Sargaal katirsan Al-Shabaab oo Magacaabay Goobaha ee Al-Shabaab kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho

Sargaal katirsan Al-Shabaab oo Magacaabay Goobaha ee Al-Shabaab kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Sargaal sare oo katirsan Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada Muqdisho isagoona soo hadal qaaday Xaafado iyo Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir uu sheegay in Al-Shabaab Awood badan wali ku leeyihiin.

Sheekh C/Qaadir Muumin oo kamid ah Saraakiisha sare ee Al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinat Afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho wali awood badan ku leeyihiin ayna ka joogaan goobo fara badan ee Habeen iyo Maalin waxa ee doonaana kasameeyaan.

‘’Waxa ee sheegi jiray Qolyaha Dowlada sheegta Waa Been , Shabaab baan Muqdisho ka saarnay bey yiraahdeen , wali waan joognaa Al-Shabaabna Habeen iyo Maalin ayey sida ee doonaan kayeelaan Muqdisho waxa ayna ka joogaan awoodna ku leeyihiin, Dayniile , Gubta ,Wadada Warshada , Suuqa Xoolaha ilaa waxar cadde , dhawaana wey kusii fidi doonaan Magaalada ‘ayuu yiri ‘’ Sheekh C/Qaadir Muumin.

Sargaalkan ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada hada tahay mid kala xiran oon wanaagsaneen dhib badana ku keenay Qurbo joogtii Dalka kusoo laabatay iyo sidoo kale Gancsatadii Hoteelada iyo goobaha kale ka furtay Wadad Maka Al-Mukarama uu sheegay in shaqooyinkoodii la xanibay yaa na keenayna ee ka joogto.

Hadalka Sargaalkan katirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xili Dagaalamayaal katirsan Shabaab ee Dilal Qorsheesan iyo Qaraxyo wali ka fuliyaan Magaalada Muqdisho inkastoo aysan jirin baro cayiman ee Magaladaa ka joogana marka laga reebo in qaab dhuumaaleesi ah Dilalka iyo Qaraxyada ku fuliyaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada