Baarlamanka Koofur Afrika oo Todobadkan Loo Gudbinayo qodoba ay ku farxi doonaan Soomalida dalkaasi ku nool

Baarlamanka Koofur Afrika oo Todobadkan Loo Gudbinayo qodoba ay ku farxi doonaan Soomalida dalkaasi ku nool

daajis.com:-Iyado in muda ah soomaalida ku nool wadanka koofur Afrika ay la kulmayeen dhibaatooyin aan dhamaad laheyd sida dilalka joogtada ah iyo dhaca lagu haya ganaciga soomaalida ayaa haatan Qaar kamid ah masuuliyiinta jaaliyidaha ee soomaalida waxay todobadkan gudahiisa la kulmayaan masuliyiinta iyo xubanaha baarlamaanka koofur Afrika ee fadhigiisu yahay magalada Cape town,


Xadiis Xaaji Aadan oo kamid ah qaban qaabiyayaasha kulankaasi ayaa saxaafada u sheegay in baarlamaanka ay ka haystaan ogolaansho isla markaana war-bixin laga siinayo dhibaatooyinka Soomaalida heysta si wax looga qabta, gaar ahaan dilalka , dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee loo geesto Soomaalida ku nool koofur Afrika ee ganacsiyada kala duwan ku leh miyi ilaa magaalo,

Inkasto aan soomaalida aan looga baran in barlamanka koofur Afrika ay u gudbiyaan waxyaaba ku saabsan dhibaatooyinka lagu hayo soomaalida ayaa hadana arintan waxay noqoneysa tii ugu horeysay oo cabasha ah oo barlamanka koofur Afrika ay u gudbiyaan soomaalida waxana inta badan markii hore xaaladaha amaanka soomaalida lagala tashan jiray laamaha amaanka si ay wax ugu qabtaan dhibaatoyinka.

Si kastaba ha ahaate, hadii uu kulnkaan hir-galo oo soomaalida cabashadooda ay hor-dhigaan masuliyiinta iyo xubanaha baarlamaanka ayaan la ogeyn natiijada kasoo bixi doonoto baarlamaanka koofur Afrika oo aan ka hadlin inta badan dhibaatooyinka lagu hayo soomaalida ganacsiyada kala duwan ku leh koofur Afrika.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada