Daawo Sawirada Dowlada Soomaliya oo la wareegtay hagida dayuuradaha adeegsada hawadeenna.

Daawo Sawirada Dowlada Soomaliya oo la wareegtay hagida dayuuradaha adeegsada hawadeenna.

daajis.com:-Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta,Boostada,iyo Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo mas’uuliyiin ka socoto hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan Duulimaadka aduunaka ee lagu magacaabo Ecao ayaa maanta ku kulmay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyada oo kulankaasi ay ka soo baxday in maamulka hawada dalka Soomaaliya si Rasmi ah loogu wareejiyo dowlada.

Masuuliyiintii ka socotay Qaramada Midoobay iyo wasiirka War-faafinta ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladu kula soo wareegeyso maamulka Duulimaadka hawada Soomaaliya.

Heshiiska maanta ayaa sidoo kale dhigayay in dib loogu soo celiyo dalka qalab farabadan oo la geeyay Kenya si loogu dhiso garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan.

Wixii ka bilowda kowda bisha June ee fooda nagu soo heysa ayaa dowlada Soomaaliya wax maamuli doontaa Howsha horay uga socotay dalka Kenya inta laga soo wareejinayo iyada oo ay xusid mudantahay in 22-kii sano ee tagatay hawada Soomaaliya ay maamuleysay Qaramada Midoobay kadib bur-burkii dalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada