Arsene Wenger Oo Ugu Baaqay Manchester City Inaysan Ceyrinin Tababare Roberto Mancini.

Arsene Wenger Oo Ugu Baaqay Manchester City Inaysan Ceyrinin Tababare Roberto Mancini.

daajis.com:-Arsene Wenger ayaa aaminsan in Manchester City ay tahay inay weli ku kalsoonaato Roberto Mancini oo aysan ceyrin tababaraha Talyaaniga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Arsenal oo noqon doona tababaraha ugu mudada dheer ee ka ciyaaraya Premier League ka dib marka Sir Alex Ferguson uu fariisto dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa sheegay in kooxaha ay u baahan yihiin inay xasilooni isgeliyaan si ay guulo u gaaraan islamarkaana natiijooyin yaryar oo xumaaday inaysan keenin in tababare loo ceyriyo.

“Waxaan heystaa kalsoonida agaasimayaasheeda, taasna waan ka mahdinayaa. Waxaan dib u dhiseynaa kooxda tan iyo Janaayo waxaan qabaneynay shaqo fiican.” ayuu tababaraha reer France u sheegay suxufiyiinta.
“Waan ka soo horjeedaa koooxaha ceyriya tababare muddo gaaban gudaheed. Waxaad u baahan tahay xasilooni iyo dad wakiil ka ah qiimaha kooxda. Waan ka xumahay tababare kasta oo waaya shaqadiisa.”
Kooxda Wenger ee Arsenal ayaa xaqiijisan karta booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda hadii ay badiyaan labada kulan ee u hartay. Gunners ayaana wajaheysa Wigan habeen danbe ka hor inta aysan u safrin Newcastle kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka.
“Labo bilood ka hor halka aan ku dhameyneyno anaga naguma xirneyn.” ayuu Wenger hadalkiisa raaciyay.
“Laakiin haatan xaalada anaga ayay gacmaheena ku jirtaa waana inaan dhameystirno shaqadeena.”

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada