Ciil Badanaa , Ma Anaa Nasiib Xun ! Mar Waliba Nin Xun Ayaa Igu Soo Aadaa.

Ciil Badanaa , Ma Anaa Nasiib Xun ! Mar Waliba Nin Xun Ayaa Igu Soo Aadaa.

daajis.com:-Su’aal: waxaan la yabay arin igu dhacday wax badan waxaan ahay gabar somaliyed oo jecel inaay ku dhaqanto diinta islamka in kastona wax sas u badan ka aqon diinta oo an ahayn gabar wadaad ah hadan ma jeceli inaan ku xadgudbo wixii Alle ( swt) i amray intaan ka aqaan iyo sunda Rasuulkena muxamed ah ( ScW) waxaan arka in xaga Alle la iga imtaxamay Allaaha naga dhigo kuwo ku guleysata imtaxanka aduun iyo kan aqiraba Aamiin yaa Rabi.

waxaan la shekeystay niman badan oo somali ah kuligodan waxaay iska dhigayan markan is baraneynay dad diinta ku dhaqma lakin wax yar ka dib waxaan kala kulma wax yabo diinta Alle ayna ogaleyn ayaga weliba shaganaya inaay guur xalal ah raban marka hore,, ka dibna waxyalo kale soo dhaxgaliya
Waxaan Alle dartis uga tagay rag badan markan arkay inaay sunada iyo qur\’aan labdaba ku xad gudbayan ,, ugu danbeynti waxaan la shekeystay wiil an isku wadan jogno waxaan igu soo xiray dad qarabadeyda ah asago weydistey inaay iskaya baran waxaay i shegen dadki qarabadeyda ah inu yahay nin fican malmo yar ka dib marakn shegeysanayanah wuxuu igu bilabay telephoneka igu raxe subxanallaah .
marki ayda ahayd waan iskaga amusay waxaan iska dhigay telephone ki habenki ku xigay yu i soo wacay waxaan ku iri xalay ma og tahay waxaad sameysay wuxuu yiri haa waxaan ku dhahay ma ogtahay in labo malag garabkaga saran yihin wuxuu dhahay haa waxaan ku dhahay ma ogtahay inayna diinta islamku waxaas ogaleyn wuxuu yiri haa waxaan ku dhahay ok maxaad waxaas u sameyneysa wuxuu dhahay waan qaldamay mar kalen ma sameynayo inasha allaah,, hadan wuxuu isku dayay inu sidi oo kale igu dhaho hadalo macan i dheh oo an isku jecelano igan shege markasta jirkaga si an igu raxeysto subxanallaah ,
hadan waqti dheer wada socon laheyn waxaan is oran laha adiga xadgudbey oo shakada iyo hadalka dheer raba lakin waxaan is naqan one week oo kaliya ,, hadan waxaan go\’aan ku garay inaan ku dhaho iga rali ahow oo an iskaga tago because qofna diinta alle ku dhaqmeyn oo xuman raba aniga ma jeceli suaashaydu waa maxaan ka sameya kara arinkan an kala kumayo qof kasta oo an barto ,,, koley arinkega waxaan u dhibanaya Alle ( swt) waan ku samraya diinteyda waan ka samarya xumaanta Inasha allaah ee bal maxaad talo iga siin kartan oo an uga dadali kara inaayna igu dhicin arinkan mar kale
Jawaabta Talo :
Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh. Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay su’ashaada qiimaha badan iyo in aad khadijahome dooratay inay kaaga jawaabto. Walaal waxaan isku dayeeynaa Hadduu Alle idmo inaan kaa tala siino intaan awoodno.
Walaalo waxaan kuu hambalyeynaynaa marka hore caqliga uu Allaah ku siiyay iyo isagoo diintiisiina ku fahansiiyay. Ogowna diinteenu saad soo sheegtayba gabadha Islaamka ah sharafteeday xifdidaa.
Walaalo su’aashaada saanu u aragno waxaan ku soo koobnay:
Maxaa kugu soo aadinaya nimanka noocaas ah? iyo Sided marka ugu horeysaba noocaas uga badbaadi lahayd?
Walaalo arinta ku haysata ee ah in nin kasta oo kula sheekeysta kuula imaanayo (faaxisho) saanu ka aragno waa arin ku tacaluqda adiga iyo shaqsiyadaada. Taas oo aan inshallah isku dayi doono in aan kuu dhig dhigno intii Illaahay na karansiiyo.
Mid waa kow ee adiga oo ah qof cafis badan ama aan shaqsiyadaada xagga nimanka ka dhisneyn. Ogow hadduusan qofka ninka ahi kaa dareemin isku kalsooni iyo shaqsiyad dhisan in aad leedahay, wuxuu isku dayi in uu ku habaabiyo.
Markaan kuleenahay shaqsiyad dhisan iyo isku kalsooni muujina, waxaan ula jeedna walaalo in aad:
Sameysato pointiyo, oo aad leedahay ninka noocaas iyo noocaas ah, fikradaas iyo fikradaas leh ayaa ii imaankara oo aanba marka ugu horeysa albaabka ka furi karaa. Pointiyadana ha kuu xadidnaadaan. Pointiyadan waxay kugu caawinayaan in uusan ninkaas isaga ah kugula soo dhicin wax kasta, sababtoo ah wuxuu kaa arki in aad tahay gabadh isku kalsoon, mowqif leh iwm. Walaalo waxaa isna mudan in aad isweydiiso oo aad pointiyadaada ku darsatid “Yaan u aqaanaa wadaad, calaamadaheensa qofka wadaadka ah ku garan?” sababtoo ah sida nooga cad su’aashaada waxa kugu xadgudbaya oo idil waa kuwo aad umalaynaysay wadaado! Ogow wadaadkuna ma aha bas qof maryihii xidhan ama Quraanka dhameeyay ama masaajidka ku xidhan ama afka ka sheegta wadaadnima’ee waxaa wadaad ah qofkey acmaashiisu / akhlaaqdiisu wanaagsanaadaan’e, qofkaasna waxaad ogaan kartaa bas markaad fikirkiisa ogaatid kadib.
Waxaa kale oo xalka kale u aragnaa in aad:
Ka taxadarto in uusan hadalkiinu ahaanin mid kaftan ku jiro, ee ha ahaado mid ka hadlaya mustaqbalkiina, oo ah guur, marka aad lahadleysidna tus in aad tahay *serious.* Hadaad aragtid isaga oo ka leex leexanaya in aad ka hadashaan mowduucyada ku saabsan mustaqbalkiina, ee adna aad u aragtid muhiimka, feejignow waa *sign ama calaamad* in uu uusan *serious* ahayn’ee!

Walaalo waxaa dhici karta oo kale in aad adigu dirtid *signal* aadan ogeyn in aad direysid, sida in aad hadal jilicsan uu Allaah kugu abuuray leedahay, saas daraadeedna ay khalad kaaga fahmayaan nimanku. Saas daradeed walaalo isku day bal sidoo kale in aad habkaad u hadasho fiirisid oo aad ra’yiga saaxiibtaa iyo ehelkagaba waydiisid sidey hadalkaaga u arkaan, sababtoo ah hadduu habkaad uhadleysid dhibaatooyin kuu keenayo, waxaanu kugula talin lahayn in aad badashid.
Takale ee aan kugula talin lahayn walaalo waa:
Iska jir oo iska jir cafiska badan, sababtoo ah iyagaa dhibaatooyinka kuu keenaya. Yuusan eray yar sida “macaanto” “ Xabiibt” “ I love You ama waan ku jeclahay” kaa fakanin; sababtoo ah nimanku inta badan dumarka way ku fiiriyaan erayada, hadaad ka aamustidna waxay umaleeyaan in uu “Caadi” ka yahay xagaaga. Saas daraadeed walaalo markaad wada hadleysaan dhagahaagu iyo maankaagu ha joogaan oo faajignow; markuu eray yar oo sida macaanto ah ka soo baxana tus in aad ka gubaneysid ereygaas si *serious* mar dambana uusan kugu dhihin eraygaas iyo mid udhigma; ogowna hadalkan oo aad ka dhiidhidaayi, wuxuu kaa moosi / badbaadin erayada kale ee ka waawayn ee uu kugula dhici lahaa!
Hadal iyo dhamaantii walaalo, waxaanu kugula talineynaa in aad naftaada gadaal ugu laabatid oo aad isweydiisid talooyinkan aan kuu soo sheegnay.
Illaahayoow walaashayo dhibaatada haysata ka dulqaad oo sii zawj wanaagsan oo ah key iyadu rabto Illaahayna raali ka yahay. Amiin

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada