Mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya oo si xowli uga socda magaalada Muqdisho (Warbixin)

Mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya oo si xowli uga socda magaalada Muqdisho (Warbixin)

daajis.com:-Mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo shirar gaar gaar ah iyo xod xodasho badan ay ka dhex socoto Baarlamaanka gudihiisa, kaasoo lagu xoojinayo Mooshinka.

Sida ay sheegayaan wararka mooshinkan ayaa waxaa ilaa iyo hada saxiixay in ka badan 80-mudane, kuwaasoo awood u siineysa inay Gudoonka baarlamaanka horgeeyaan mooshin miisaankiisa culus yahay.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa ka socda shirarka looga arrinsanayo mooshinada, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu bar bar socdo mooshin kale oo ka dhan ah Gudoonka Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ay si la mid ah uga socoto ololahan ka dhanka ah Xukuumada.

Mid ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo la hadlay daajis.com ayaa sheegay in habeen iyo maalin hotelada ay ka socdaan shirar ku saabsan arrintan, isla markaana ay bar bar socoto balan qaadyo Xildhibaanada loo sameynayo, laguna soo jiidanayo.

Ololahan ka dhanka ah Xukuumada ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano ku caan baxay abaabulka barnaamijyada mooshinada, waxaana arrintan ay noqotay durba hadal heynta ugu badan ee ka taagan magaalada.

War shalay si wada jir ah uga soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxay kaga digeen mooshinadan oo si xowli ku socda, isla markaana ku baaqay in aan baarlamaanka laga dhex abuurin kala qeybsanaan.

Mooshinkan la wado ee qorshihiisa yahay in lagu rido Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay socdeen qorshayaal la doonay in isku shaandheyn loogu sameeyo Golaha Wasiirada, isla markaana la kordhiyo tirada Wasiirada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada