Daawo Sawirada Dibad bax aad u balaaran oo Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Madax sare oo ka qeyb gashay

Daawo Sawirada Dibad bax aad u balaaran oo Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Madax sare oo ka qeyb gashay

daajis.com:-Dibad baxii ugu weynaa taariikha dhaw ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyada oo lagu taageerayay shirka maanta ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dibad baxa oo ay ka qeyb galeen R/wasaaraha iyo qaar kamid ah golohiisa wasiirada, maamulka gobalka Banaadir, saraakiil ciidan, bar-barta gashaan ayaa waxaa soo xaadiray kumanaan shacab ah oo kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir.

Isu soobaxa oo danta laga lahaa ay aheyd ayidida shir weynaha London ee uu shir gudoominayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadkii isgu soo baxay waxa ay ruxayeen calamada Soomalaiya iyo Ingiriiska iyo sidoo kale sawirada madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Ingiriiska.

Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay munaasabada oo uu ugu weynaa R.wasaare Saacid ayaa waxa ay ka rajeeyeen shirka London in uu noqdo mid Soomalida u hor seeda wanaag
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


























Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada