Daawo Sawirada :Magaalada Muqdisho oo maanta si aan horey loo arag looga xusay 50 Guuradii Midowga Africa

Daawo Sawirada :Magaalada Muqdisho oo maanta si aan horey loo arag looga xusay 50 Guuradii Midowga Africa

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu xusayey 50 guurada Midowga Afrika. 

Xafladan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Safiirka Midowga Afrika, Safiirka Djibouti u fadhiya Soomaliya oo isla markaana ah Madaxa safiirada Muqdisho, Safiirka UK iyo Safiirka EU iyo Diblomaasiyiin kale. Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid aheyd Aasaasayaashii oo Madaxweyne Aden Abdulle Osman (Aden Adde) uu ka mid ahaa. Madaxweynahu waxuu sheegay inay ahmiyad gaar ah u leedahay Soomaaliya dabaaldagga 50 guurada oo uu sheegay in maanta Soomaaliya ay mareyso marxalad ka duwan markii la aasaasayey ururka Midowga Afrika sanadkii 1963dii.

Madaxweynahu waxuu yiri " 1974tii Soomaaliya waxey marti gelisay shirkii Midowga Afrika oo loo dhisay African Village, ha yeeshee buu yiri 2011kii ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida waxey African Village dib uga xorreeyeen kooxo argagaxiso ah."

Madaxweynahu waxuu sheegay inuu ka qeybgalayo dabaaldegga 50 guurada oo ka dhacaya Addis Ababa isla markaana uu u sheegayo madaxda Africa in loo baahanyahay in qiimeyn lagu sameeyo 50kii sano ee la soo dhaafay, ha yeeshee buu yiri " Waxaa loo baahanyahay in madaxda Afrika ay maanta dejiyaan qorsheyaashii 50ka sano ee socda si loo gaarsiiyo Qaaradda Afrika heer sare."

Madaxweynaha ayaa sheegay in kaalmada Afrika ay u geysatay sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo sharaftii Soomaalida la xusi doono oo aan la illaawi doonin, isla markaana uu Madaxweynahu kula dardaarmi doono madaxda Afrika in loo baahanyahay in shacabka Afrika loo helo mashaariicyo iyo horumar gaarsiin kara horumar baaxad leh.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada