Dagaal Gacan ka Hadal ah oo xalay ka Dhacay Goob Lagu Dhigayay Xafladii 18ka May Somiland (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dagaal Gacan ka Hadal ah oo xalay ka Dhacay Goob Lagu Dhigayay Xafladii 18ka May Somiland (Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Xafladii sanadguurada 18ka May ee lagu qabtay magalaada Denhaag ayaa xalay ku dhamaatay dagaal gacan ka hadal ah, iyadoo tiro dad ah xabsiga loo dhigay, iyadoo dagaalkaan la isku adeegsaday tooreeyo sida la sheegay. 



Labo ruux oo dhalinyaro ah oo da’doodu lagu kala sheegay 17 jir iyo 22 jir ayaa dhaawacyo yar yar ka soo gaaray, waxaana goobta xaflada ka socotay soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo amaanka sugayey,haseyeeshe dadkii xaflada isugu yimid ayaa soo buuxsamay banaanka goobta xaflada lagu qabanayey kuwaas oo diiday iney meesha ka dhaqaaqaan. 

Waxaana la sheegay in xaaladu ay cirka isku sii shareertay kadib markii nin 38 jir oo dadka ka soo qeybgalayaasha ka mid ahaa uu gitar uu sitay uu ku weeraray nin booliska ka tirsan,isagoo isla markiiba ay xereen booliska,haseyeeshee waxaana sidoo kale meesha ka dhacay weerar dhagax tuur ah halkaas oo nin kale oo booliska ka tirsan uu dhaawacyo fudud ka soo gaaray waxaana weerarkaas dhacdadaasi loo xiray wiil 26 jir ah oo degan magaalada Dordrecht. 

Laba nin ayaa weli xabsiga ku jira waxaa lagu eedeyey weerar ka dhan ah booliska, kadib markii ay damceen in ay booliska la dagaalamaan. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada