Al-Shabaab oo sheegay in gudaha Mujaahidiinta ay ka soo baxeen kooxo ujeedkooda yahay inay kala

Al-Shabaab oo sheegay in gudaha Mujaahidiinta ay ka soo baxeen kooxo ujeedkooda yahay inay kala

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan looga hadlayo qoraalo dhowr ah oo maalmihii la soo dhaafay lagu soo daabacay warbaahinta Online, kaasoo Saraakiilka tirsan Shabaabka ay ku dhaliileen hogaanka sare ee Ururka iyo khilaaf dhexdooda ahaa, iyadoo bayaankan looga digay waxa looga yeeray dabinta dhagar-qabayaasha.


Bayaankan oo afka carabiga ku qornaa ayaa cinwaan looga dhigay "Muslimiinta oo looga digayo dabinta Dhagar-wadayaasha" ayaa lagu xusay ugu horeyn sunnada ALLAH iney tahay imtixaanada iyo kala sooca ka dhex dhaca Mu’miniinta, islamarkaana qofka u fiirsada masiirada Jihaadka Umadda uu arkayo caqabado badan, lug-gooyooyin, dabinno iyo shirqoollo loo maleegay, kuwaas oo dhamaantood halis gelin lahaa habsami usocodka Jihaadka haddii aan la helin dad buuxiya thaqriga Iclaamka oo Umadda u sheega Xaqiiiqada jirta.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in gudaha Mujaahidiinta ay ka soo baxeen kooxo ujeedkooda yahay inay kala dhantaalaan safka Muslimiinta iyo Mujaahidiinta, kuwaasoo meel kaga dhacay waxa loogu yeeray hogaanka Jihaadka, isla markaana tuhmaya xilkasnimada madaxda, siyaasaddooda iyo xittaa Islaamnimadooda iyo Jihaadkooda.

“Muddooyinkii u danbeeyay waxaa aragnay codka qaar ka mid ah fitnawadayaasha oo sare u soo baxay, kuwaas oo Umadda khilaaf kala dhex dhigaya si midnimadoodii loo waayo, oo meesha uu ka baxo Jamacii iyo Jamaacadii, inagoo og in diinteedu ay reebtay kala tagga iyo furqada"ayaa lagu yiri bayaanka.

Shakina kuma jiro in tani ay tahay Sunnada kala sooca iyo imtixaanka oo ay u soo joogeen kuwii Iimaanka inagaga horeeyay, waana tijaabo soo martay masiirada Jihaadka, ayna la kulmeen dadkii sabqiga lahaa kuwaas oo markiiba wax ka qoray islamarkaana waddo la raaco u dajiyay si looga hortago fitantaas oo loo damiyo, asal ahaan qofka Muslimka ah marka arrimahan oo kale ay yimaadaan waxaa ku haboon inuu ula laabto hadalka ALLAH Cazza Wajalla ee ahaa:

Bayaanka ayaa intaas ka dib si toos ah lagula hadlay Umadda Muslimka ah guud ahaan iyo ansaarta Jihaadka gaar ahaan iyadoona loogu baaqay iney ka digtoonaadaan fitantaas,oo caqligooda ka shaqeysiiyaan, wixii ka qarsoomana ay weydiiyaan dadka Cilmiga u leh iyo madaxda Mujaahidiinta.

Waxaa sidoo kale bayaanka loogu sheegay Umadda Muslimka ah iyo guud ahaan Mujaahidiinta ka dagaallamaya Jabahaadka Jihaadka Caalamka in Mujaahidiinta Soomaaliya ay wadada ku taagan yihiin, ayna Umaddooda u adeegayaan,Shareecadana adkeynayaan, gaaladana dhabarka ka jabinayaan,sidoo kalena ay ku dadaalayaan ilaalinta mideynta safka iyo xaqiijinta cadaaladda.

“Waxba yaan la dhaawicin kalsoonida aad ku qabtaan hogaanadiina, ALLAH baan ku dhaaranee, waxna meysan badalin oo marna mey weecan, naf-hurkooduna wuu sii soconayaa oo cadowgooduna wuu sii badan, sidii aad kaga barateena dadaal ma reebanayaan ilaa raayaatka Towxiidku isu tagaan oo Khilaafadii Islaamka istaagto, waxaana inagu filan in ka hor dadka na jecel uu cadowgu u qirayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab horumarrada ay dhinacyo badan ka sameysay, haddii aaney taasi jiri laheyna,ciidamada intaas la eg reer galbeedku sooma dagaal geliyeen,oo lacagaha sidaa uma farraqeen, shirarka joogtada ahina ma qabteen” ayaa lagu yiri Bayaanka. 

Ugu danbeyn waxaa lagu sheegay bayaanka in markii shirqoolada dibadda ee cadowgu ay socon waayeen oo Mujaahidiintu ay ka hortageen in fitno laga bilaabay safka gudaha si loo kala dhantaallo quwadda Mujaahidiinta,waxaana laga digay wararka la soo dhigayay maalmahan baraha Internet-yada iyo website-yada ee aan tazkiyada ka heysan Mujaahidiinta Caalamka.

“Waxaan baraarujineynaa in qoraalladii lagu baahiyay bogagga qaar ee suurad xumeynaya Jihaadka Soomaaliya iney ahaayeen kuwo aad xaqiiqada uga fog, oo been abuurro laga buuxiyay ka dibna loo adeegsaday xogaha qaar si aan xaqiiqada aheyn, waxey aheyd Xaqaa’iqda oo lagu daboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo wax jecleysi, waxaana wax laga xumaado ah in been abuuradaas ay yimaadeen waqti ay Mujaahidiintu safkooda hore u mideeyeen” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa lagu soo gunaanaaday in awoodda Mujaahidiinta ay maanta ka xooggan tahay sidii shalay, ayna khibrad u leeyihiin dhagaraha loo maleegayo, ballana ay ku galeen in Islaamka aan dhankooda looga imaan
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada