El Confidential: Real Madrid Iyo Manchester City Oo Gaaray Heshiis Loogu Magacdaray ‘Anti-Barca’.

El Confidential: Real Madrid Iyo Manchester City Oo Gaaray Heshiis Loogu Magacdaray ‘Anti-Barca’.

daajis.com:-Real Madrid iyo Manchester City oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub ayaa gaaray heshiis loogu yeeray ‘anti-Barca’.

Warbixin ay qortay El Confidential ayaa sheeganeysa in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo madaxa guud ee Man City Ferran Soriano ay xiriir sameeyeen isbuucyadii u danbeysay iyagoo dhaqangelinaya heshiis u dhaxeeya labada kooxood oo ku aadan dhanka suuqa kala iibsiga.

Heshiiskan la sheegayo ayaa ah in Sky Blues iyo Los Blancos ay si toos ah uga wadahadlaan hadii koox ay ciyaaryahan ka dooneyso kooxda kale taasoo meesha ka saareysa wakiilada iyo dulaaliinta lacagta badan qaata, islamarkaana qorshahaas uu wiiqi karo xiriirka labada kooxood ay la leeyihiin Barcelona.
Dhanka Soriano ayaa talaabadan ay u tahay mid uu kaga jawaabayo xiriirka aan hagaagsaneyn ee kala dhaxeeya madaxweynaha Barcelona Sandro Rosell, halka Perez oo mar xiriir wanaagsan la lahaa Rosell uu u muuqdo inuu isbedelay.
Waxyaabo badan oo ka mid tahay xafiiltanki Barca iyo Real ee waayihii Mourinho ayaa sii kiciyay xiisada u dhaxeysa labada kooxood, iyo eedeymihii la xiriiray in Barca ay isticmaashay dawooyinka mamnuuca ah ee firfircoonida laga helo oo ay qorayeen saxaafada Madrid.
El Confidencial ayaa sidoo kale sheegeysa in Real Madrid ay u aragto in Blaugrana ay farogelin ku sameysay ceyrsashadoodii Neymar iyagoo aaminsanaa inay helayaan xiddiga reer Brazil ka hor inta aysan Barca la wareegin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada