Waxaan Kuu Hadiyeynaa Kumanaan Dhoolacadeyn Ah Hadii Aad Nolosheyda Ka Baxeyso.

Waxaan Kuu Hadiyeynaa Kumanaan Dhoolacadeyn Ah Hadii Aad Nolosheyda Ka Baxeyso.

daajis.com:-*Haku fekerin inaan albaabka kuu sii taagnaado intaad ka imaaneyso illeyn adigaa fursadaad iska lumiyee,hana iga sugin inaan aamino jaceyl been abuur ah oo qayaano ku dhisan.

* Kuuma xiisi doono marnaba,waana kaa saaray qalbigeyga iigu filan dhaawac intaad qalbigeyga u geystay.
* Waan kaa saaray qalbigeyga,fekerkeyga iyo dhamaanba maskaxdeyda codkaaga iyo muuqaalka wejigaagana xitaa iguma soo dhici doono in aan soo xusuusto.
* Maxaan kuugu dhibaatoonaayaa oo aan mustaqbalkeyga kuugu dayacaa? Maxaan isaga dhaadhiciyaa inaad riyada mustaqbalkeyga iyo nasiibkeyga tahay oo aan nafteyda been ugu sheegaa? daajis.com,Waxaa tahay labo wejiile been badan,kuna qanacsan inuu markuu sii jeesto ilaawo balantii iyo axdigii aan ku wadagalnay inaan aduunka iska weheshano.
* Qof walbo ha raaco wadadiisa anigana teyda ii daa adigoon karaamada iska qaadin intaan ka badan, laga yaabee iney wanaagsan tahay si aan ixtiraam isku heyno.
* Ma jecleyn inaan kuu adeegsado kalmado qalbigaaga dhaawici doono laakin iigama aadan tegin fursad kale,daajis.com, Aadmigu qiimahiisa waxaad ogaan kartaa markaad u baahato adigana hada ayaad dareentay cadaabka uu leeyahay qof keligiis lagu laado caashaq.
* Shalaaydu iney ehel kuu noqoto aad ayaad ugu nuureysaa waayo waad fahmi weydsay qiimaha ay leedahay waxa kaa maqan.
* Wey fiicnaan laheyd hadii aad dareensanaan laheyn ahmiyada ay xiriirkeena u leedahay inaan is aamino qalbiyadana isku furno.
* Noloshu waa maalmo yar oo u baahan in farxad lagu qaabilo mudadaas yar haka welwelin waan ka gudbaayaa xanuunada qalbiga,inkastoo shalaaydu aysan soo celin wax dhumay hadana waa tiirka ugu horeyo ee halqabsiga ah u ah qalbi la dhaawacay sida keyga oo kale.
* Wey adag tahay inaad mar uun ku baraarugto ineysan gacantaada waxba ku jirin,laakin waxaa ka sii daran inaad ku noolaato hawo aan waxbo ka jirin.
* Wey igu adag tahay inaad nabadeey tiraahdo qof aad jeceshahay adigoo og in noloshu ay maalmo murgo iyo jahwareer galeyso qofkaas la’aantiis,laakin waxaa ka dhibadan in maalin walbo qalbigaaga uu u taagnaado hadimooyin aadan fileyn.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada