Dhibane Jaceyl “Ii Garoowso Inan Yahay, Jaceylkaan I Gubayo, Ii Bixiyey Goonida, Aawadana Ii Galay”

Dhibane Jaceyl “Ii Garoowso Inan Yahay, Jaceylkaan I Gubayo, Ii Bixiyey Goonida, Aawadana Ii Galay”

daajis.com:-Ceeb uma maleeyso naftu inaay aawadaa calaacasho kuna dhax catowdo bulshada soomaaliyee maxa yeeley.
Waxaad Haabatoo MaQan,
Oo Aadan Helin Wali,
‘Naftu Soo HadaaQiyo,
‘Had Iyo Ma Doontoo,
‘Hoheey Medey Ima Oran,

Aduunka waa abaar iyo aaran aadanahuna waxa uu had iyo jeer u dhaxeeya sabool iyo qanni caafimaad iyo jiro, farxad iyo murugo, rajo iyo riyo, taasina waxaa hal dooran u ah waa dhaxtaalka nolosha ee jaceylka.
Hadii inan yahay aad moodo maadeeysi iyo mala awaal jaceylkaan aawada ii hurey dhibtaada iyo Dhaka faarka aduun dadka iga dhax saarey ee la ii moodo Maddi aan garab ku haaysan aduun, waa in dhiaabto igu filan iyo dhaayo beel, in kastoon isku dayey hadal iyo haasaawe gaar ah oo aan kaga arin sanaayo sidi aan kaaga dhaadhicin lahaa hubaashi inaan dhab kuu jecelahay, hadana nasiib wanaag waxaad saami iyo sahay wadaagteen Hodan oo sabab u noqotay dhimashadii Allaha u Naxariistee aabahi jaceyka Cilmi Boodhari.
Wali waxa aan haaystaa waqti iyo karfti baaxad weyn oo aan kaga ciil bogan karo bandhiga jaceylkaada inta aan awoodana waxaan kaaga balan qaadayaa inaanan hakad galin doono daw kasta oo aan kugu heli karo, kama daali doonaa inaan kuu sheego maalin kasta iyo mar waliba inaan kuu qabbo dareen dhan oo jaceyl.

Waxa aan is weydiiyaa oo aanan wali u helin jawaab kaamilan waa sababta aanan kuu helin adiga oo ah gabar soomaaliyeed sida aad ii sheegtana madax banaan oo aan waliba la heyn xariir haasaawe & lamaane kale taloow maxay tahay eenta aan leeyahay oo aadan igu dooneyn taloow maxaan kaa ba,iyey oo aad iigu qabtaa cadaawada faraha badan, miyaan galay nabsi hore oo maanta la iga kaa dhigey nacab soo jireen ah.
‘Inan Yahay Bidhaantiyo,
‘Rabbi Siiyey Bilicdaaay,
‘Inanyahay Bil Dhalatiyo,
‘Qurux Baalka Loo Surey,
‘JaCeyl Baaxad Weyn Oo,
‘Nafta Baday CiQaab Badan,
‘Beeen YeeySan Kula NoQon.

Inta badan marka aad qof si dhab ah u jeclaato ayaad kala kulantaa jawaabo fara badan kuwaas oo hodan iyo hoogba ah laakin waxaa ugu xunuuun badan marka lagaa aamini waayo jaceylka ku haayo ee loo qaato dheel dheel iyo dhalanteed aduun, ayadoo si aan laga fiirsan laguu siiyo jawaab,laguuna waayo daryeel iyo xushmad, waaa xanuun aadan ka ladin hurdada wa haraad aadan u helin biyo waana godob aadan iloobin.
Waxaan si dareen iyo dadnimo leh kaaga codsanayaa in aadan igu noqon bir iyo buuro aanan awoodooda laheyn jabin tooda waxaan kaa rabaa inaadan ii hurin habaas iyo daganaasho la,aan waxaana kaa codsanayaa inaadan iga galin nabsi, waxaan rabaa inaad si dhab ah kuu taabto fariintaan adigoo gar waaqsanaya hadii uu hadalkeeygi hore kula ahaa been iyo waxba kama jiraan aad maanta si wanaagsan u qaadato oo aad aaminto.
‘Waa Cudu JaCeylkani,
‘Nafta I Baday CiQaabo,
‘Waxa Uu Ku Caan Baxay,
‘Nafta Inuu CadaaShoo,
‘Culeeys Badan Dul Saaro.

‘Ii Noqo irmaan iyo aaran haatan soo baxay, noqo qof go,aankiisa ka laabta ka dib hubaal caashaq oo loo qaadey, hana ku dhaga adeegin qof aawada u buko una baahan baxnaano iyo inaad ka bad baadiso oodin.
‘Bilyan Jeer Ha Gaadhee,
‘Waan Ku Baafin Doonaa,
‘BoQol Sanno Ha Dhaafte,
‘Waa Kuu Baahan Waligey.

‘Waa Naf uu heley dareen jaceyl oo dhab ah had iyo jeer u dhaga daloosha jawaabtaada gaar ahaan mid wax ka badali karto noqo ruux lasoo heley oo haatan la sugayo, noqo ubad la sugayey oo ku dhashay caafimaad.
Isucaana intaas ayaan kaga hari doonaa ‘Dhibane JaCeyl’ inta aan kulmi doono isbuuca danbe waa ismail abdi aden ‘WaaSuge’ oo dhamaantiin idin wada leh u duceeya inuu walaalkaan helo qofka u jacel yahay.!!
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada