Haweenka Oo La Sheegay In Badanaa Mas`uuliyada Muranada Dhexmara Dusha Ka Saaraan Raggooda.

Haweenka Oo La Sheegay In Badanaa Mas`uuliyada Muranada Dhexmara Dusha Ka Saaraan Raggooda.

daajis.com:-Muranada dhexmara lamaanayaalka ayaa la sheegay iney durbaba ay haweenka ku eedeeyaan masuuliyadiisa hadii uu qaab qaldan wax ku dhacaan.waxeynqaa durbadiiba haweenka badankood korka ka saaraan masuuliyada wixii dhacay.

Daraasad ay sameysay jaamacad ku taala magaalada Texas ee dalka Mareykan ayaa si arintaani loo ogaado waxaa leysku keenay 71 lamaane oo qaarkood is qaba halka qaar kale ay ahaayeen kuwo mudo xiriirkoodu socday.Lamaanayaasha ayaa mudo 10 daqiiqo ah la dhex dhigay iney ka doodaan mowduucyo quseeya xiriirada qoyska iyo lacagaha si loo ogaado qaabka ay u maareyn karaa hadii uu muran soo kala dhex galo.
Mowduucyada badan oo lacagaha ku taxluqa ayaa loo sameeyey,ama xiriiro hore iyo waqtiyada ay isla qaataan marka ay wadajiraan,waxa ugu yaabka badan ee dhacay waxey aheyd in lamaanayaasha aan qanacsaneyn ay yihiin kuwa badanaa madax adag kuwaasoo dabeecadahooda ay qalafsan yihiin qaabka ay u fekeraan xilliyada muranka islamarkiiba si kale u fasira arintii laga hadlaayey.
Lamaanayaasha aan ku qanacsaneyn xiriirkooda waa kuwa badanaa walaac, jahwareer iyo xanaaqu aan ka dhamaan.

Marka loo eego daraasadan ma’ahan oo keliya arintu lamaanayaal qanacsan,hadii qof uu dhibaato keeno xanaaq iyo dareeno diidmo ah,kan kale wuxuu ku fikiraa sida ay isku fahmi lahaayeen,islamrkaana lagu xalin lahaa qilaafka kaga yimid qofka ay nolosha la wadaagan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada