Dhalinyarada baabuurta kaxaysa ee Dalka Sacuudiga oo la soo shaac baxay hab cusub oo la yaab leh!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dhalinyarada baabuurta kaxaysa ee Dalka Sacuudiga oo la soo shaac baxay hab cusub oo la yaab leh!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Dhalinyarada baabuurta kaxaysa ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay inay la soo shaac baxeen hab cusub oo la yaab leh oo ay baabuurta ku wadayaan arintaas oo ay la yaabeen qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka. 

Daawo Muuqaal ahaan Waalida iyo Sida ay Baabuurta u wadaan Dhalinyaradaan



Dhalinyaradaan u dhalatay dalka Sacuudiga ayaa waxaa la shaagay inay aduunka kaga yaabsadeen hab nooc cusub ah oo ay u wadaan baabuurta, iyadoona uu habkaas yahay mid aysan dad badan oo darawaliin ah ay ku adag tahay inay sameeyaan ayaa waxaa uu yahay in baabuurka lagu wado laba lugood oo kaliya, habkaan la yaabka leh ayaa loogu magac daray sidewalk skiing iyadoona uu ujeedku yahay in baabuurka uu isu dheelitirnaado xilli uu ku socdo laba lugood oo keliya islamarkaana rakaabka saaran baabuurka ay waliba ka qabtaan baabuurka howlo ay ka mid yihiin lugo badalid iyo wixii la mid ah iyadoona uu baabuurka istaagin ama uusan dhinac u liicin. 

Ugu dambeyntiina iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka ay la yaabeen hab dhaqankaan cusub ee ay dhaliyarada baabuurta wada ee dalkaas Sucuudiga ayaa inta badan wadamada khaliijku gaar ahaan dalka Sacuudigu waxay caan ku yihiin ku ciyaarida baabuurta iyadoona ay marar badan qatar weyn galiyaan nafsadooda islamarkaana ay dhacdo inay ka dhalato dhimasho iyo dhaawacyo soo gaara dhaliyaradaas isku dayayso inay sameeyaan arimo cusub. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada