Faalo: Maxay Manchester City Ku Ceyrisay Mancini? Mise Mudnaa In Albaabka La Tuso Macalinka Talyaaniga?

Faalo: Maxay Manchester City Ku Ceyrisay Mancini? Mise Mudnaa In Albaabka La Tuso Macalinka Talyaaniga?

daajis.com:-Shaki kuma jiro in Man City xilli ciyaareedkaan ay ku dhameysteen rajo beel aad u xooggan ka dib markii ay xaqiijisteen inay koobab la’aan ku baxayaan, guuldaradii koobka FA Cup-ka ayaa aheyd halkii koob ee rajada ka lahaayeen iyo rajadii badbaadin laheyd shaqada Roberto Mancini. Mancini sharaf iyo texgelin ma uga tagay City?

Guulaha: Ka dib markii City ay qarashgareeyeen  ku dhawaad 400 milyan oo ginni si xiddigo heer sarre ah kooxda loo keeno, 4 xilli ciyaareed ee uu Mancini la qaatay City waxa uu u soo hooyay hal horyaal, FA Cup iyo Community Shield  marka si loo fiiriyana uma qalanto heerka maalgilin ee City sameeysay, waxaa suuragal ah in Mancini ku qancay in guulahaas ay ku filan yihiin maadaama City sannado badan oo abaar koob la`aanta ah marti u ahaayeen.
Dhab ahaantii waxa uu Mancini isu arkaa in sharaftii City uu soo celiyay waana mida keentay in xiriir wanaagsan uu dhex maro isaga iyo taageerayaasha kooxda City kuwaas oo kalgaceyl u muujiyay waana mid u eg midii taageerayasha Chelsea u muujiyeen Avram Grant kaasi oo kooxdaas keenay finalka Champions League sanadkii 2008dii, si waliba oo xaalka ahaado Mancini waxa uu haystay qaar ka mid ah  ciyaartooyda ugu fiican yurub halka City -na ka mid tahay afarta kooxood ee yurub ee ugu badan qarash bixinta.
Goobaha uu ku fashilmay: Tani waxaa inooga ogaal badan Roberto Mnacini, afar koob oo ay City u tartameysay dabeeysha ayay raaceen, waxaana ugu daran Champions League oo xitaa hadii wareegga koowaad aysan ku hari laheyn ay kor u sii kici laheyd shacbiyada City ee qaarada Yurub, waxaana la dhihi karaa Mancini fursad muhiim ayuu dayacay oo laba jeer uu taageero ku kasban lahaa hadii ay dhaafi lahaayeen wareega group-yada.
Waxaa ugu sii daran City iyaga oo kooxaha Ingiriiska taariikh xun u diiwaan geliyay ka dib markii ay noqdeen kooxdii Ingiriiska ee ugu horeeysay ee wareega group-yada ku harta iyadoo aan badinin islamarkaana ku fashilmay in ay u soo baxaan Europa League.
Arinta kale waxa ay aheyd in ay ilaashadaan horyaalkii xilli ciyaareedkii hore ay qaadeen, xitaa lama aysan xifaaltamin kooxda haatan horyaalka qaadatay ee Man United kuwaasi oo horyaalka isaga oo aan dhamaan sii qaatay isla markaana dhibco 15 gaaraya lagu macsalaameeyay.
Sidoo kale in koox qarka u saaran in ay ka haraan kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska Wigan Atheltic inay ka qaado FA Cup waxa ay qasaaro xoogan ku aheyd tababare Roberto Mancini.
Waxaa iyana la ilaawi karin guuldaradii ay kala kulmeen Aston Villa oo ka reebay koobkii Capital One xilli Aston Villa xilligaas ay marayeen waqtigoodii ugu xumaa iyana musiibo bilaawgeeda ay u aheyd Roberto Mancini.
Qaabka Uu Ula Dhaqmay Ciyaartooyda : Bilaawgii xilli ciyaareedkaan dhamaanaya waxaa muuqaneysay in kooxda aysan dan ka laheyn in ay badiyaan kulamada ay lahaayeen taasina waxaa sabab u ahaa calaaqaadka Mancini iyo ciyaartooydaiisa oo ahaa kuwo kacsan.
Kama uusan xishooneyn Mancini inuu warbaahinta horteeda ku dhaleeceeyo qaar ka mid ah ciyaartooydiisa xilli wax aan sidaa u weyneyn uu hawada kaga canaananayay. Waxaana shaki ku jirin in ciyaartooyda ay tababarahooda ku ridi karaan kaliya iyaga oo waaya abateetkii ay u hayeen sida ciyaartooyda Chelsea ay ku sameeyeen Villas Boas.
Waa arin adag in ciyaartooyda ay dagaal u galaan tababare ku canaantay warbaahinta, Roberto Mancini waxa uu hawada si kulul uga canaantay goolhayihisa Joe Hart , Joleon Lescott , kabtankiisa Vincent Kompany, Nasri , Aguero, Tevez ,iyo Balotelli-gii ka tagay .
Waa arin adag in lagu arko Wenger ama Sir Alex-gii United oo hawada ka canaananaya ciyaartooydooda xittaa haddii qalad xooggan ay galaan tanina kalsooni ayay siineysaa ciyaartooyda.
Qalinka iyo buuga ma diidayaan in la dhihi karo sababta ugu weyn ee City ay u diiday Mancini inay tahay ciyaartooyda oo niyadjab gaaray taas oo keentay in dhamaan waxii tartan ahaa ee ay ku jireen ay ku fashilmaan .
Is qab qabsigii tababaraha iyo ciyaartooydiisa iyo wargeysyada oo fusrad ka dhigtay soo bandhigga sheekooyinka qarsoon ee City waxa ay saameyn ku yeesheen mashruuca suuqa geeynta caalamiga ee kooxdaas City.
Inkastoo sidaasi ay tahay hadana waxaan la ilaawi karin inuu yahay macalinkii Man City ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii hore koobkoodii ugu horeeyay ee Premier League muddo 44 sanadood ah, taasoo keeneysa su’aasha ah ma mudnaa in xilligan la ceyriyo? Ka qeyb qaado doodaan fekerkaadana hoos inoogu soo qor.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada