Wararkii Ugu Dambeeyay Mooshin uu gadaal ka riixayo Shariif Xasan oo laga gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya

Wararkii Ugu Dambeeyay Mooshin uu gadaal ka riixayo Shariif Xasan oo laga gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya

daajis.com:-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo gaaraya ku dhowaad 60 ayaa lagu soo waramayaa iney maanta gudoonka baarlamanka Somalia u gacan geliyeen mowshin ay ku damacsan yihiin iney ku majaxaabiyaan xukuumada RW Saacid.

Mowshinkan oo maalmahan oo dhan laga soo shaqeynayey ayaa waxaa u badan xildhibaanada wada kuwo ka soo jeeda beesha Digil Iyo Mirifle oo gadaal uu ka riixayo Shariif Xasan Shiikh Aadan gudoomiyihii hore ee Baarlamanka, iyagoo dhinaca kalena ka careysan xil ka qaadistii lagu sameeyey taliyaha Booliska oo lagu bedelay sarkaal ka soo jeeda beel kale.

Xildhibaanada mowshinkan saxiixay oo mar tiradoodu ay boqol kor u dhaaftay ayaa hoos ugu soo dhacay lixdameeyo ka dib markii qaarkood laga dhaadhiciyey iney ka baxaan.

Qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga soo horjeeda mowshinkan oo ay ku tilmaameen mid aan xiligan loo baahneyn oo ujeedada ka dambeysa aysan aheyn mid Qaranka loogu hiilinayo balse ay ku kooban tahay oo kaliya shaqsiyaad leh dano siyaasadeed oo waayey dariiq kale oo ay damacooda ku gaaraan.

Inkastoo isgaarsiinta magaalada Kismaayo ay si aad u xun tahay ayaa haddana wararka naga soo gaaraya garoonka dayuuradaha Kismaayo waxay sheegayaan in dayuuradaas loo ogoladay iney halkaas ka degto hase ahaatee qaar ka mid ah odayaashii la socday markii ay ka degeen dayuuradii siday ay garoonka ku jir-dileen ciidamada Jabhada Raaskambooni ka dib markii ay is af-dhaafeen.

Qaar ka mid ah odayaasha ayaa la sheegay in la garaacay, iyadoo markii dambe xaalada ay soo fara geliyeen ciidamada Kenya ee magaca AMISOM halkaas ku jooga kuwaasoo bilaabay iney sugaan amaanka xubnaha ka degay Kismaayo, iyagoo an wax talaabo ah ka qaadin ciidanka jirdilka geystay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyada Jabhada raaskambooni ay diideen in odayaasha iyo siyaasiyinta ka degay garoonka Kismaayo ay gudaha u galaan magaalada, waxaana loo badinayaa in mar kale dib loogu soo celin doono magaalada Muqdisho inkastoo ay socdaan wadahadalo arimooda ku saabsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada