Fariin Qof La Murageysan Jaceyl ! Goorma Ayay Dambi Noqotay In Qof La Jeclaado?

Fariin Qof La Murageysan Jaceyl ! Goorma Ayay Dambi Noqotay In Qof La Jeclaado?

daajis.com:-Qiimo weyn ayaad u leedahay qalbigeyga waana ku daalaay doon doonkaaga, ma soo koobi karo baaxada uu leeyahay rabitaanka aan kuu qabo aan isisiino fursadaha nolosha si aan weligeen farxad ugu noolaano.balse ha ku dhiiranin marnaba inaad iloowd
o.

Hadii aad rabto inaad qaligeyga noqoto cidna kaama hortaagna,laakin ogow keyga wuu kuu damqadaana kaana fekeraa. Isii xanuun kale laakin marnaba ha i ilaawin, adiga maahe wax kale kama rabo dunidaan gacaliso/gacaliye Jaceylkaaga waa igu filan yahay,waana iga tan weyn yahay, waxaan kuu sidaa xermo ubax ah oo aad u udgoon kaasoo laamihiisu badan yihiin.ha yareysan guuxa qalbiyadeena waayo waxaan neefsaneyno waa jaceyl dhiigeena waxaa ka buuxa caashaq mugweyn.
Fadlan garabkeyga taagnaaw waxaad tahay qoraxdii nafteyda iftiimineysay dugaalkii aan dhaxanta ka dugsanaayey,waxaa noo qoran inaan gacmaha isqabsano oo aan ku noolaano farxad intaa dhiman cimrigeena iyadoo aan cidna na hortaagneyn.dib ayaan u dhigaa howlmaalmeedkeyga oo dhan si aan adiga kugu ildoogsado nuur ka indhahaaga ayaa i sixraday .
Waan ka jeclahay dhulka meesha aad adiga uga nooshahay ee maalin walbo aad ku socoto, waayo waxaan ka dugaashadaa ruuxaaga, waxay iiga dhigan tahay sida in dhoobadeena hal meel laga wada qaaday oo kale.
Jaceylkaaga wuxuu isii yaalaa maalin walbo nolol cusub oo farxad leh dadkuna marka ay i weydiiyaan waxa aan sida qotada dheer kugu jeclahay waxaan ugu amaanaa inaad leedahay shaqsiyad aan la heli karin.
Fiicnaan laheydee hadii aan dareensanaan laheyn ahmiyada ay xiriirkeena u leedahay inaan is aamino qalbiyadana isku furno.

Fiicnaan laheydee hadii uu jiritaanka jaceylkeena uu noqon lahaa mid waara ebedkiis.

Dadka qaar waxey ilaaween oo qalbigooda laga saaray dareenka caashaqa,ogow markuu kugu soo bido dabeyshiisa go’aanada naftaada ma lihid keligaa mararka qaar qof dhoohan ayey dadka kuu arkaan si kastood u aheyd qof karti leh waad ka jilcan tahay qofkaas agtiisa waana u qalbifuran tahay, daajis.com ,xitaa hadii aad qaldan tahay indhahaagu ma arkaan shaqsigaas xumaantiisa ilaa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo ereyada shalaayda aad ku digriso,Hadii aa n ogaan lahaa…haduu sidaan yaali lahaa.
Jaceylku ma yaqaano islaweyni iyo santaag hadii aad tahay mid naftiisa uun umuuqata marwalbo waa hubaal in maalin maalmaha ka mid ah aad ku soo dhaceysid maqaalinta caashaqa,markaas waxaad ogaan xanuunka uu dhigaagu qabo. Goormee dembi noqotay in qof la jeclaado?
Qof ayaa igu yiri adigu ma wanaagsan yahay caafimaadkaaga? Sidee u jeclaataa ruux aan adiga ku jecleyn. Weligaa haku fekerin inaad raadiso qof aan asaga ku raadineyn, qalad haka gelin naftaada ee caqliga ka soco. Run ahaantii waa arin muhiim ah waxaan u arkay talo wanaagsan,haseyeeshee qalbi wax jecel wacdi iyo waano kastaba ma qaato,waxaa kuu muuqdo oo keliya shaqsigaad waxaadna diyaar u noqotaa guul ama guuldaro midkood.
Ma jirto qof aan karaamo laheyn dareenka jaceylkana ma’ahan mid aan anaga xukuno, fursadkasta oo noolaha uga baahan yahay inuu helo nolol u qalanta wuu ku dhaqaaqi lahaa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada