Sawiro: Chelsea Oo U Safartay Amsderdam Iyagoo Habeen Danbe Finalka Europa League La Ciyaaraya Benfica.

Sawiro: Chelsea Oo U Safartay Amsderdam Iyagoo Habeen Danbe Finalka Europa League La Ciyaaraya Benfica.

daajis.com:-Chelsea ayaa maanta u safartay Amsterdam iyagoo baadigoob ugu jira koobkoodii labaad ee Yurub labo xilli ciyaareed gudaheed.

Blues ayaa Benfica ku wajihi doonta habeen danbe Amsterdam ArenA finalka Europa League, Rafa Bnitez ayaana kooxdiisa hogaamiyay saaka, iyadoo ka tagay xarunta tababarka Cobham islamarkaana bas u qaatay garoonka diyaaradaha.
Benfica ayaana kulankaan soo aadeysa iyadoo guuldarro ay ka soo gaartay kooxda ay horyaalkooda ku xafiiltamaan ee Porto, waana guuldaradoodii ugu horeysay xilli ciyaareedkan ee koobabka maxaliga.
Kabtan John Terry, Eden Hazard iyo John Obi Mikel ayaa sidoo kale u saftay Amsterdam inkastoo shaki uu ku jiro taam ahaanshahooda.
Seddexda ciyaaryahan ayaa qeyb ka ahaa 25ka ciyaaryahan ee Chelsea ay u kaxeysatay Holland sida lagu xaqiijiyay website-ka kooxda Ingariiska.
Terry iyo Hazard ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen kulankii sabtida ee Premier League ay la ciyaareen Aston Villa.
Terry ayaa finalkii Champions League ee sannadkii hore ku seegay ganaax, waxaana dhaawaciisa ay la micno tahay inuu mar kale niyadjab ka soo wajihi doono Europe.
31 jirkaan ayaa booskiisa markiiba horeba uu ku jiray shaki marka loo fiiriyo inuu kula dagaalamayo daafacyada dhexe David Luiz, Gary Cahill iyo Branislav Ivanovic.
Inuu ka maqnaado kubadsameeyaha reer Belgium Hazard ayaa sidoo kale ah wax ay tabi doonaan Blues iyagoo raadinaya inay labo xilli ciyaareed oo isku xiga kala qaadaan labo koob oo Yurub ah.
Waxaana intaas sii dheer in Mikel oo dhibaato sinta ay ka heysato, taasoo la micno noqoneysa in Frank Lampard uu ku soo bilaaban doono isagoo ay u badan tahay inuu kabtan noqon doono, waa hadii Terry ciyaarin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada