Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Finalka Copa del Rey Ee Real Madrid v Atletico Madrid.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Finalka Copa del Rey Ee Real Madrid v Atletico Madrid.

daajis.com:-Kulanka: Real Madrid v Atletico Madrid
Garoonka: Atletico Madrid
Waqtiga: 10:30 pm SGA (Saacada Geeska Afrika)
Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa caawa kala qeybsan doonaa kuraasta Santiago Bernabeu ka dib markii ay soo gaareen finalka koobka boqorka Spain iyadoo Real Madrid ay semi-finalkii ka soo talaabsatay Barcelona, halka Atletico Madrid ay iyadana ka soo gudubtay Sevilla.
Labada kooxood ee deriska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xafiiltan aad u weyn, laakiin tan iyo bishii October 1999kii, Atletico Madrid wax guul ah kama gaarin deriskooda ka guulaha badan ee Real Madrid. Atletico waxa ay haatan heysataa sagaal koob oo Copa del Rey ah iyadoo sideed ka mid ah ku qaaday garoonka ay caawa ku ciyaarayaan ee Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa iyadana heysata labo jibaar tirada koobab ee Copa del Rey iyagoo hantay 18 koob, oo midkoodii ugu danbeeyay uu ahaa xilli ciyaareedkii 2010-11.
Magaalada Madrid ayaa ku kala qeybsan kulankaan, si la mid ah Spain inteeda kale ayaa ku kala qeybsan xitaa madaxda boqortooyada Spain oo caawa ka soo qeybgeleysa ayaa ku kala qeybsan oo wiil iyo aabihiis ayaa taageere u kala ah labada kooxood.
Boqorka Spain Juan Carlos ayaa taageere u ah Los Blancos, halka wiilkiisa amiir Felipe uu taageere u yahay Rojiblancos. Xitaa labo nin oo xiriir saaxiibtinimo uu ka dhaxeeyo ayaa labada kooxood ay caawa guulo ka sugayaan Radamel Falcao iyo Cristiano Ronaldo.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Real Madrid: Lopez; Essien, Pepe, Ramos, Coentrao; Khedira, Alonso; Di Maria, Ozil, Ronaldo; Benzema
Atletico Madrid: Courtois; Juanfran, Miranda, Godin, Luis; Koke, Gabi, Suarez, Turan; Falcao, Costa.
Daafaca kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa seegi doona finalka Copa del Rey ee ay caawa Santiago Bernabeu kula ciyaarayaan Atletico Madrid ka dib markii dhaawac jilibka ah uu ka soo gaaray kulankii isbuucii hore ee ay barbaraha 1-1 la galeen Espanyol.
Si kastaba, Alvaro Arbeloa, Sergio Ramos, Marcelo iyo Mesut Ozil ayaa la filayaa inay diyaar noqdaan ka dib markii ay dhaawac ka soo kabsadeen, halka Pepe oo lagu soo daray kooxda loo soo xushay finalka isna laga yaabo in line-upka dib loogu soo yeero ka dib markii uu dhaleeceeyay tababare Jose Mourinho dhawaan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Mario Suarez ayaa ka soo kabsaday dhabar xanuun, waxaana uu diyaar u yahay inuu ku soo bilowdo oo uu bedelo Tiago.
Tababare Dieo Simeone ayaan qabin dhaawac kale oo uu ka walwalo, waxaana laga yaabaa inuu magacaabo line-up la mid ah guuldaradii 2-1 gurigooda uga soo gaartay Real bishii April.

MA OGTAHAY?
  • Real Madrid ayaan shan kulan oo isku xigta tartamada oo dhan dhinaca
    dhulka loo dhigin, iyadoo afar ka mid ah ay badiyeen.
  • Los Blancos ayaa ah kooxda kaliya ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub  ee xilli ciyaareedkan aan gurigeeda looga badinin tartamada oo dhan. (23 guul, 5 barbar).
  • Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay sideed gool sideed kulan oo uu Real Madrid u ciyaaray iyadoo ka horimaaneysa Atletico Madrid.
  • Real ayaa shabaqa soo taabatay 19 kulan oo isku xigta oo Copa del Rey ah iyadoo markii ugu danbeysay ee aysan shabaqa soo taaban ay aheyd Janaayo 2011.
  • Atletico Madrid ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah afartii kulan ee u danbeysay ee La Liga.
  • Kooxda sagaalka jeer ku guuleysatay Copa del Rey ayaan wax guul ah gaarin 25 kulan oo ay ka horyimaadeen deriskooda Real tartamada oo dhan, iyadoo guushii ugu danbeysay ee Real ay ka gaaraan ay aheyd October 1999.
  • Sideed ka mid ah sagaalka Copa del Rey ee ay qaaday Atletico waxa ay ku qaaday Santiago Bernabeu.
  • Diego Costa ayaa hogaaminaya xilli ciyaareedkan gooldhalinta Copa del Rey isagoo leh 7 gool.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada