Xasan Dahir "Abuu Mansuur Al-Amriiki waa nool yahay, laakiin naftiisa ayaa halis ku jirta"

Xasan Dahir "Abuu Mansuur Al-Amriiki waa nool yahay, laakiin naftiisa ayaa halis ku jirta"

daajis.com:-Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa naqdiyay awaamiirta Hogaamiyaha Shabaab, isagoo ku tilmaamay nin keli talis ah oo maroorsaday awooda maamulka.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Chanel ayuu mar kale dab ku sii shiday khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Saraakiisha sar sare ee Shabaab, isagoo ku baaqay in loo baahan yahay in hogaanka dib loogu celiyo shacabka.

"Qaab Keli telisnimo ayuu u dhaqmayaa, hadii wax qaldamaan inaan ka ceshano, anaga shacabkaan xilka u qaadnay, waa inaan dib ugu soo celinaa"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Mar la weydiiyay in la dilay Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo in kale ayuu sheegay inuu mar dhow ka bad baaday isku day dil, lana dhaawacay, balse uu nool yahay.

"Ninkaas waa nool yahay, hadii uu eed sheegtay oo uu afka ka hadlay, gaalnimada ku hadlin ma ahan in la dilo, mar baa la dhaawacay, hada waxaa aaminsanahay in la raadsanayo, waana waxa aan ka qeylineyno"ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu ka digay dhiiga dadka Muslimiinta oo uu xusay in si qaldan loo daadiyo, isagoo xusay in culumo badan ay ku waayeen.

Mar la weydiiyay in cabasho ka gudbiyeen Hogaamiyaha Shabaab Abuu Zubeyr, ayuu xusay inay jiraan dad cabashadaas ka gudbiyay, oo uu tilmaamay in wax lagu saxayo, waxaana uu tibaaxay hadii qaladka jira la xalin ay noqoneyso in sidii Jazaa'ir wax ku dhacay uu Jihaadka u baabi'i doono sida uu yiri.

Sheekh Xasan Dahir ayaa si aan gambasho laheyn u weeraray Hogaamiyaha Shabaab, iyadoo hadaladiisa laga dareemayay sida uu uga careysan yahay hab dhaqanka Hogaamiyaha Shabaab.

Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa dhowaan bartiisa Twitter-ka ku soo bandhigay in la isku dayay in la dilo, isla markaana uu ka bad baaday, isagoo sawir muujinayay dhaawac dhuunta ka gaaray soo bandhigay.

Khilaafka hogaanka Shabaab u dhaxeeya ayaa u muuqda mid heerkii u sareeyay gaaraya, markii warbaahinta qeybaheeda kala duwan ay isu adeegsadaan hadalo lidi ku ahaa oo aanay horay looga baran.

Xigaasho: jowhar_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada