Niman Meeyd been ah soo saarsaday oo Darawalada gawaarida & Rakaabka kala carar ku riday (Bal Daawo Qosolkaan Af Soomaali ahaan)

Niman Meeyd been ah soo saarsaday oo Darawalada gawaarida & Rakaabka kala carar ku riday (Bal Daawo Qosolkaan Af Soomaali ahaan)

daajis.com:-Rag soo tashtay ayaa dad fara badan Qosolka ka dhameeyay ka dib markii ay Oday Waayeel ah ka soo dhigeen Meeyd ama nin dhintay kuwaas oo dabadeed Sanduuq uu ku jiray ninkaan isku dayay inay xoog ku saaraan gawaarida Shacabka. 


Ninkaan oo u ekaa nin la qaarajiyay oo waliba Meeydkiisa la qarinaayo ayaa waxaa goobtii la keenaba iskaga cararay Darawalada gaadiidka iyo Shacabka rakaabka ah ee saarnaa gawaaridaas. 

Raga dadka ka yaabsaday ayaa watay Kaamero qarsoon oo ay ku kala ogaanayeen Fulaynimada dadka qaarkiis iyo naxariista dadka kuwaas oo ka dalbanayay in la la qaado Meeydka balse Shacabka qaarkiis ayaa marka ay arkaan Maaydka beenta ah ee ninkaan oo sanduuq lagu soo riday waxa ay bilaabeen inay goobta iskaga baxsadaan. 

Inta badan dalalka Caalamka ayaa Shil ama Dil marka uu dhaco waxaa goobtaas ku kala carara dadka ka ag dhawaa si aanan dambi been ah dusha looga saarin balse gudaha dalka Somalia marka uu meel qarax ama Dil ka dhaco ayaa waxaa si aad ah ugu soo shamuumo Shacabka qeeybihiisa kala duwan. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada