Fariimo Calaacal Fiicnaan Laheydee In Aan Qalbigeyga Kugu Qarsado Si Aan Noole Kale Kuula Hadal

Fariimo Calaacal Fiicnaan Laheydee In Aan Qalbigeyga Kugu Qarsado Si Aan Noole Kale Kuula Hadal

daajis.com:-* Iska iloow wixii ku soo maray xilli tegay hana hilmaamin waxa sida dhabta u taabtay qalbigaaga ee dhaqaajiyey qalbigaaga, kan kugu beeray xanuunka uu leeyahay baahida naf kale loo qaado.

* Weligey waan ku jeclaan doonaa,inaan kaa fekero waxey iga keentaa dhoola cadey.
* Inaan kugu riyoodo waxaan ku kasbadaa dunida oo dhan,Inaan kula joogo waa waxa ugu fiican ee aan helo nolosha,weligeyna waan ku jeclaan doonaa.
* Qalbi si dhab ah kuu jecel ayaa kuugu baaqaya kalsooni iyo rajo aan dhamaad laheyn,wuxuuna aaminsan yahay inuu kuu balanqaado kalgaceyl mug leh,  daajis.com,waxbo dhib malahan waqtiga si kasta uu u dheer yahay iyo marxaladaha adag ee na soo mara, xitaa si kasta oo masaafooyin ay inuugu dhexeeyaan.
* Jaceylka dhabta ah weligiis ma dhinto, xilliguna wuu gaaban yahay kuwa suga ee u samra aad ayuu ugu soo degdegaa kuwa ka baqa, wuu ku dheeraadaa kuwa duuga ee aan xusin,laakin kuwa isjecel waa u jano aan dhamaad laheyn.
*In badan ayaan ku jeclahay wadnaheyga qeyb ka maqan inaad tahay ayaan kuu aqoonsahay, hadii aan helo dhoola cadeyntaada uma baahni ubax iyo doog, waayo adigaa ilqabad leh.
*Hadii aan helo codkaaga , uma baahni maalintaas oo dhan inaan cid kale maqlo.
*Hadii aad ila hadashidna ma dhageysto qof kale si maskaxdeyda ay u soo celceliso ereyadaadii.
*Marka aad ila joogtana ,uma baahni dunida oo dhan adigaa wehel iigu filan.

*Hadii aan qalbigeyga kuugu qarsan lahaa si aan cid kale kuu arag waxey ii noqon laheyd naxariis buuxda, In badan ayaan ku jeclahay,Waxaan jeclahay waxwalba oo adiga kugu saabsan.
* Jaceylka dhabta ah micnahiisu wuxuu yahay inaad dareento garaaca wadnahiisa,inaad hesho qof aragtidiisa, inaad aragto qofkaas xitaa adigoo indhaha isku haaya, inaad tebto qofkaas sabab la’aan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada