Fariimo Jaceyl : Ii Ogolow In Aan Ku Iraahdo Nafteyda Waxa Ay La Kulantay Qof Cajiib Ah Qofkaasna Waa Adiga.

Fariimo Jaceyl : Ii Ogolow In Aan Ku Iraahdo Nafteyda Waxa Ay La Kulantay Qof Cajiib Ah Qofkaasna Waa Adiga.

daajis.com:-* Dareen hor leh qalbigaagaa oo aad usii garaacma, waxaad dareemeysaa markastoo aad i fiiriso waxaa ii sawirmeysa inaad igu mashquulsan tahay,islamarkaana aad i tebeyso waana ii dhimaneysaa waan ogahay.

* Ma rabo inaad i dhahdo hadalo wareerinaayo qalbigeyga islamarkaana u sii kordhinaayo duufaanta caashaq igu filan inaad i dhahdo waan ku jeclahay ereygaas waa midka leygu duugaayo aniga.
* Indhahaaga fariimada ay bixinaayaan markaad igu eegto wadnaheyga si dhaqsi leh ayuu u garaacmaa,waxaana ka cabsadaa inaan indhaha kuu sii dhameystiro, daajis.com,xataa daymada indhahaaga waxey bixinaayaa astaamo waali ah,weyna i ixtiraamaan waxaana jirta saacado aanan qofkale arageyga soo qabaneynin.Waan kuu dhintaa xabiibi, waadna i sidataa.
* Ii ogolow inaan ku iraahdaa nafteyda iney la kulan tahay qof cajiib ah qofkaasna waa adiga, waxaan garwaaqsaday sida aad ka ah ee aan kuu jeclahay iyo macnaha weyn ee aad iigu fadhido iyo sida weyn ee aan kuugu baahanahay adiga.
* Waxaan dareemaa taas markaad isoo fiiriso,waan ku jeclahay,waayo waxaad tahay iftiinkii arageyga waana kuu xiisay,ku talogal inta nafi igu jirto waan kuu sidi doonaa laamaha caashaqa.
* Imisaan ku baadi goobaayey aragtidaada? Mana helin meel aan ku nasto oo aan naxariis ka helo ilaa laabtaada maahe, markaan kaa maqanahayna waqtiga oo dhan ayaaba istaaga.
* Ereyadu ma sharaxi karaan waxa aan dareemaayo,dadka badankood nama fahmaan,laakin anaga waxaan leenahay luqad aan isku fahano oo inoo gaar ah,daajis.com, waxaanahay labo isku wanaagsan, sikastoo aan isku dagaalno wey isku keen soo dhaweysaa waxeyna sii kordhisaa qalbiyadeena.
* Waxaad tahay qofka keliya ee aan rabo inaan waqtigeyga oo dhan inaan la qaato,waxaad tahay qofka aad u qalbi macaan,marna ma joojin dooni inaan noqdo qof kaa agdhow oo wanaagaaga ku faraxda,xanuunkaaga la damqata.
* Sikastoo aad u xakameyso naftaada ogow waad ku qasban tahay inaad jeclaato.dembigaaga wuxuu yahay keliya inaad shaqsi jeclaatay.
* Jaceylkaaga waa igu filan yahay wuuna iga badan yahay,qalbigeyga aad ka u yarna ma wada qaadi karo culeyska intaas ka badan, waxaan kaa golol kaaga dhigaayaa ubax ugdoon kaas oo ka beermay ilmaha caashaqeena.
* Waxaad ka dhigtay dunideyga oo dhan mid weli taagan,waxaad nolosheyda ka yeeshey mid macno iyo dhadhan leh,
* Jaceylku wuxuu ka dhigaa caqliga qofka mid aan shaqeyn, daajis.com, waxaad rabtaa daqiiqadkasto inaad qofkaas la hadasho adigoon ka daaleynin,inkastoo uu hadana yahay dareenka ugu wanaagsan ee ku soo mara noloshaada oo dhan.

*Jaceylka uma baahno sabab,wuxuu ku yimaadaa midka dhabta ah wuxuu ka yimaadaa wadnahaaga sababna uma baahno, Ma u furi kartaa qalbigaaga inuu markale i jeclaado.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada