Haween bilaabay in ay ku dhawaaqaan xisbiyo Kismaayo dib looga xureynayo Maamulka Axmed Madoobe.

Haween bilaabay in ay ku dhawaaqaan xisbiyo Kismaayo dib looga xureynayo Maamulka Axmed Madoobe.

daajis.com:-Haweeney lagu magacaabo Xabiibo Xasan Warsame oo kamid ahayd Baarlamankii Maamulkii Azania ee Prof Gaandi ayaa waxa ay ka dhawaajisay in ay dhisayaan xibiga dib u xoreynta Jubbaland kadib markii ay arkeen in dhib badan uu jiro iyada oo intaa sii raaciyay in Axmed Madoobe oo deegaanka Jubaland aan ku dhalan uu af-genbi ku sameeyay dadka deegaanka.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa ururka dib u xureynta jubaland. Waxa aan ka xureyneynaa kooxda Axmad Madoobe ee is-magacaabay, Waxaa dadnima xuma ah in deegaanka dadkii u dhashay uu maamulo nin socdaal ku yimid, Waxaa dhisaya ururka dadka deegaanka u dhay deegaanka iyada oo cidna aan cadaalad darro lagu sameyn”, Xabiibo ayaa ku warantay.

“Axmed Madoobe deegaanka kuma dhalan ee Socdaal ayuu ku yimid sidaa darteed xukunka Axmed Madoobe oo maroorsaday dib ayaan uga xureyneynaa”, haweneydaan ayaa ku dhawaaqday.

Waa nala qiyaanay, aniga Azania dadkii soo hindisay ayaan ugu horeeyay hadana waxaan hindisay in dib u xoreyn lagu sameeyo deegaanka.

Waxa ay intaa sii raacisay, “Gaandi iyo Shakuul qabiil ayeey isu rogeen wax badan ayeeyna ka ogyihiin af ganbiga Axmed Madoobe. Maalintii Axmed madoobe is-magacaabayay intii diidaneed magacaabidiisa waa la xiray qaar, qaarka kalana waa lahandaday aniga xitaa askar keenyaati ah ayaa leygu dalbaday waxaana uga baxsaday baasaboor aan watay. Xitaa ugaaskeygii iyo shan ruux oo kale oo aniga ololaha ii waday waa laxiray”.

Waxa ay meesha ka saartay in ay jiraan wax doorasho layiraahdo iyada oo ku nuux nuuxtaay in arintu is-magaabid tahay iyada oo inta sii raacisay in deegaanka ay u soo halgameen dad ay kamid tahay Axmed Mdoobana af-genbiyay oo uu qabsaday dekadda iyo magaalada Kisma
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada