Gudoonka Baarlamaanka oo ugu goodiyay Xildhibaanada maqan inay xilkooda weyn doonaan

Gudoonka Baarlamaanka oo ugu goodiyay Xildhibaanada maqan inay xilkooda weyn doonaan

daajis.com:-Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu goodiyay mudanayaasha baarlamaanka ee ka maqan fadhiyada inay xilkooda weyn doonaan, hadii aanay soo xaadirin.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in aanay marnaba ogolaan doonin in Xildhibaanada iska maqnaadaan, iyagoo aan wax fasax ah ka heysan Gudoonka.

"Waxa badanaaba dhacda in xildhibaanada iska maqnaadaan, maalin hore gudoomiyaha ka hadlay, hadana waa ku celineynaa, xildhibaanada maqan hadii aanay ka soo qeyb gelin booskooda ayay weyn doonaan"ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar.

Sidoo kale gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano Muqdisho ku sugan balse aanay ka soo qeyb gelin fadhiyada, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in aanay mudanayaasha dalka ku sugan xilkooda gudan.

"Maalmahan fadhiyada baarlamaanka waxaa imaanaya 150 xildhibaan, xildhibaano jooga oo aan imaaneyn waa jiraan, taas looma baahna"ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar.

Kala bar Mudanayaasha baarlamaanka ayaa la sheega inay dalka ka maqan yihiin, halka qaarkoodna aanay xaadirin fadhiyada, waxaana mararka qaar adkaata kooramka
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada