Maxaad Kala Socotaa Dadka Ugu Taajirsan Aduunka.

Maxaad Kala Socotaa Dadka Ugu Taajirsan Aduunka.

daajis.com:-Wargeyska Forbes oo ka hadla dhaqaalaha aduunka ayaa sannadkii 27aad soo daabacay dadka ugu hantida badan aduunka sannadkan. Hantida uu qiimeeyay wargaysku ayaa ah Billion ama kun milyan 1,000,000,000 qofkii ay hantidiisu dhan tahay. Taasi macnaheedu waa inaan la qorin qofka hantidiisu dhan tahay 999,000,000

Tirada guud dadka bilyan in ka badan haysta waxay gaaraysaa 1,426 qof oo hantidooda guud marka la isku daro ay gaarayso $5.4 trillion, waana waqtigii ay ugu badneyd. Dadka Maraykanka ee bilyan laha ah hantidooda marka la isku daro waxay gaaraysaa $1.87 trillion, taasoo ka badan marka la isku daro dadka Yurub oo dhan, oo haysta $1.55 trillion iyo waliba dadka qaaradaha kale oo dhan.

Haddii wadan wadan laga hadlo Ruushka ayaa ah wadanka ku xiga Maraykanka oo tujaartiisu ay heystaan $427.1 billion, waxaana ku xiga Jarmalka oo heysta $296.25 billion, halka tujaarta Shiinaha ay u keydsan tahay $262.96 billion. Waxaa kaalinta shanaad wadan ahaan galay tujaarta Hindiya oo ay u duugan tahay $193.6 billion.

Kaalinta lixaad waxa heysta Hong Kong oo inkastoo ay ka mid tahay dhul weynaha Shiinaha hadana si gooni ah loogu qiimeeyay inay heystaan $193.1 billion.

Waxa xiga wadamada hoos ku taxan oo sida ay u kala badan yihiin aan u qorayno.
Brazil $189.3 billion
Mexico $148.5 billion
France $142.85 billion
Ingiriiska $121.1 billion
Talyaaniga $112.9
Isbeyn $99.95 billion
Canada $92.05 billion
Iswiidhan $88.3 billion
Turkiga $74.2
Taiwan $72.8
Japan $68.4 billion

Hadaan si gooni ah u fiirino wadamada Islaamka waxa kaalinta koowaad ku jira Turkiga oo aan kor kusoo sheegnay, waxaana ku xiga wadamada hoose.

Sucuudiga $55.55 billion
Indoneesiya $55.25 billion
Maleeshiya $48.75 billion
Masar $18.55 billion
Lubnaan $14 billion
Imaaraadka Carabta $9.75 billion
Marooko iyo Kuweyt min $6 billion

Afrika oo beryahan kor u socota waxa laga xusay afar wadan

Koonfurta Afrika $22 billion
Nayjeeriya $20.8 billion
Swaziland $3.1 billion

Angoola $2 billion, waxaana xusid mudan in wadanka Angoola $2 billion ee lagu sheegay ay leedahay gabadha curadda u ah madaxweynaha wadankaas Isabel Jose Eduardo dos Santos, hantidaas oo ugu kala jirta shirkado ka howl gala Angola iyo Bortaqiiska. $1 billion waxay ku leedahay haweenaydani shirkadda telefoonada Angola ee Unitel. Waxaana halkaas ka muuqanaysa in hantidaas ay ku heshay magaca aabaheed. Laakin taajirka reer Swaziland Nathan Kirsh wuxu hantidiisa $3.1 billion
ka tacbaday wadanka Maraykanka oo uu dagan yahay, inkastoo uu wali haysto dhalashadiisii Swaziland.

Waxaa kaloo xusid mudan in hay'adda lacagta aduunka IMF ay todobaadkan soo bandhigtay deynta lagu leeyahay wadanka Soomaaliya oo dhan laga soo bilaabo mudadii xornimada, taasoo gaaraysa $0.350 billion ama $350 million, waxaana deyntaas naga bixin karta gabadha uu dhalay madaxweynaha Angola, haddii ay hantideeda na siiso qadar dhan 17% oo ay iska haysato inta soo hartay oo dhan 83%.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada