Man Utd Oo Lacag Rikoor Ah Ku Heshay Heshiiska TV-yada EPL Iyo Lacagaha U Soo Xarooday Kooxaha Kale.

Man Utd Oo Lacag Rikoor Ah Ku Heshay Heshiiska TV-yada EPL Iyo Lacagaha U Soo Xarooday Kooxaha Kale.

daajis.com:-Manchester United ayaa lacag rikoor ah oo gaareysa 60.8 milyan ginni ku heshay lacagta Tv-yada ee Premier League, halka kooxda ugu hooseysay horyaalka xilli ciyaareedkan ee QPR ay soo gashay lacag ku dhow 40 milyan ginni.

Kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay ee Manchester City ayaa waxaa heshiiska TV-yada Premier League ay ku heshay 58.1 milyan ginni, halka Chelsea ay iyana heshay 54.9 milyan ginni, Arsenal oo kaalinta 4aad ku dhameysatay ayaa iyadana heshiiska TV-yada waxaa ka soo gashay xilli ciyaareedkan 57.1 milyan ginni.
Liverpool waxaa lacag ahaan uga soo xarootay dhanka Tv-yada 54.8 milyan ginni, halka Tottenham ay heshay 55.8 milyan ginni, waxaana liiska oo dhameystiran ee kooxaha lacagta u soo xarootay ee heshiiska TV-yada Premier League ka eegi kartaa sawirka hoose.
Laakiin xilli ciyaareedka soo socda labo jibaarka lacagaha haatan u soo xarootay kooxaha ayay heli doonaan, iyadoo kooxdii xilli ciyaareedka soo socota ku dhameysata halka ugu hooseyso ay heli doonto lacag ka badan lacagta ay haatan heshay Man United ee rikoorka ah.
Kooxda horyaalka qaada xilli ciyaareedka soo socda ayaa heshiiska dhinaca TV-yada waxa ay ku heli doontaa lacag ku dhow 100 milyan ginni, waxaana taasi ugu wacan heshiiska xuquuqda baahinta ee Premier League ay gashay inta u dhaxeysa 2013 ilaa 2016 oo ay ku qaadan doonto 5.5 bilyan ginni oo ah in ka badan 2 bilyan ginni heshiiska haatan dhamaaday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada