Aasaasayaashii dowlada hada jirta oo maanta si aan horay loo arag uga hadlay mowshinka murugada ku abuuray mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Aasaasayaashii dowlada hada jirta oo maanta si aan horay loo arag uga hadlay mowshinka murugada ku abuuray mawaadiniinta Soomaaliyeed.

daajis.com:-Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee dhisay dowlada hada jirta ayaa waxa ay maanta shir saxaafadeed ku qabteen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyaga oo si aad ah ugu dheeraaday mowshinka dowlada ka dhanka ah ee xubnaha baarlamanka qaarkood ay wadaan.

“Dowladu waa tala wadaag. Maaha in wax kasta dumin kaga bilaabo. Wax kasta oo qaldama waa in laga wada hadlo marka hore si dhaliisha mesha looga saaro. Hadii arintaasi dhacdana oo dumin uun laga bilaabo waxii loo wakiishay ayaa meesha ka baxaya”, mid kamid ah odayaashii saxaafada la hadlayay ayaa soo jeediyay.

Waxa uu intaa raaciyay, “Odayaasha dhaqanka dhib badan ayey ka mareen dhismaha dowaldaan. Wax kasta caqabad ayaa laga soo maray. Nimanka hada wax duminaya waxaan leeyahay dhibkaas ayaan u soo marnay dwolada mana yeeleynyo in sahal lagu dumiyo dowladii aan ku fara muruxnay”.

“Baarlamaanka iyo Xukuumadu kalama maarmaan. Baarlamaanku ha daayo mowshinka baas ee Soomaalidu dhibsatay.

Tan iyo dowladihiii KMG-ka ahaa ayaa mowshin wax duminaya lawaday oo kuraas leesku garaacayay. Hada waxa aan dooneyo waxaa weeye mowshin wax dhisaya. Innga si gaar ah ayey noo tabaneysaa dhibka la wadao maadaama aan wax badan u soo fadhisay dhismaheeda. Xilligii dastuurka oo caqabada ugu badan aan la soo kulanay innga oo og in qodoba aan wanaagsaneyn ay ku jiraan ayaan ka doodnay kadibna ku lifaaqnay inga oo ka carareynay in shirku bur buro si qodobadaasi ay baarlamaanku dib uga munaaqashoodaan”.


Aaasasaayashii dowladaan Soomaaliya eberta ka soo bilaabay ayaa hadalkoodu waxa uu imaanayaa iyada oo maanta uu jiray mudaaharaad looga soo hor jeeday Mowshinka xukuumada ka dhanka ahaa kaasoo lagu dalbanayay inn xildhibaanada arintaasi ku howlan ay faraha kala baxaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada