Aqri xilal muhiim ah oo loo balan qaaday Digil iyo Mirifle si ay xukuumada cadaadiska uga daayaan.

Aqri xilal muhiim ah oo loo balan qaaday Digil iyo Mirifle si ay xukuumada cadaadiska uga daayaan.

daajis.com:-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu Muqdisho ka dhacay kulan biya lagula shubayay caradii Digil iyo Mirifle ee ka dhalatay xil ka qaadistii Shariif Shiikhunaa Maye, taliyihii Police-ka Soomaaliyeed iyada oo ay ka soo beexeen qodobo leesku raacsanyahay.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in kadib markii mowshin halis ah oo xukuumada ka dhan ah ay soo diyaariyeen mudanayaal baarlamaan oo cududda ugu weyn ay aheyd Digil iyo Mirifle in dowlada Xassan Sheekh Maxamuud ay geed dher iyo mid gaabanba u fuushay qaabkii ay culeeskaasi isaga damin laheyd iyada oo qaaday tilaaba muhiim ah oo dhanka diblamaasiyada ah kulana la yeelatay xildhibaanada Digli iyo Mirifle oo madaxweynaha markii hore ay ku kala tageen waji gabax.

Kulankasi ayaa waxaa Digil iyo Mirifle loogu balan qaaday lix xil oo muhiimah kuwaas oo kala ah:

1-Taliye Kuxigeenka Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed

2-Taliye Xigeenka Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed

3-Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka

4-Gudoomiye Kuxigeenka Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya

5-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomalaiyeed

6-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha

Xilalkaasi loo balan qaaday Digil iyo Mirifle ayaa waxa ay waji kale u yeeleen Mowshinkii xukuumada ka dhanka ahaa iyada oo xildhibaandoodii inta badan ay dib uga ceshadeen ayna saxaafada qaarkood ka hor sheegeen in ay ka tanaasuleen arintaasi.

Si kastaba, waxaa arintu u muuqataa “Af wax cunay Xishoo”, waxaana wax waliba kala cadaan doonaan marka la gaaro xilligii mowshinka lagu balan sanaa in laga doodo oo maanta uun ay ka harsantahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada