Horyaalka Ingariiska Xilli Ciyaareedkiisa 2012-13 Oo Soo Dhamaaday Maanta.

Horyaalka Ingariiska Xilli Ciyaareedkiisa 2012-13 Oo Soo Dhamaaday Maanta.

daajis.com:-Horyaalka Ingariiska ayaa soo xirmay maanta iyadoo wax badan ay isbedeleen islamarkaana halyeeyo badan oo horyaalka muddo badan ku dhex jiray ay macsalaameeyeen markoodii ugu danbeysay.
Kooxda horyaalka hanaatay xilli ciyaareedkan waa Manchester United kuwasoo ku qaaday horyaalka 89 dhibcood waxaana ay kulankoodii ugu danbeeyay ay barbaro 5-5 kala kulmeen kooxda West Brom.
Kulankaas ayaana waxa uu u ahaa midkii ugu danbeeyay tababare Sir Alex Ferguson oo muddo ka badan 26 sanadood ka dib ka fariisanaya ciyaaraha, sidoo kale Pual Scholes ayaa isna markii labaad si rasmi ah uga fariistay ciyaaraha.
Kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay waa Manchester City kuwaasoo leh 78 dhibcood, waxaana kulankoodii ugu danbeeyay ee iyagoo tababare la’aan ah ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay kooxda Norwich City.
Waxaana ay aheyd guuldaradii labaad ee xilli ciyaareedkan ku soo gaartay Etihad Stadium horyaalka Premier League, iyagoo isbuucii hore ceyriyay tababarihii horyaalka Ingariiska u qaaday Roberto Mancini.
Kooxda Chelsea ayaa ku dhameysatay booska seddexaad ee horyaalka waxaana si toos ah u tagi doonaan wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Everton kulankoodii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedka.
Chelsea ayaa ku dhameysatay 75 dhibcood, waxaana tababarahooda ku meel gaarka ahaa Rafa Benitez uu kooxda ka tagayaa isagoo qabsaday shaqadii loo igmaday ka dib markii uu kooxda u xaqiijiyay booskooda Champions League islamarkaana u qaaday Europa League.
Kooxda Arsenal ayaa ku dhameystay kaalinta 4aad iyagoo leh 73 dhibcood waxaana ay u soo baxeen Champions League oo isreebreebkiisa ay ka qeybgeli doonaan xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii ay 1-0 ku dardareen kooxda Newcastle.
Arsenal ayaa sannadkii 16aad ee isku xiga ka qeybgaleysay koobka kooxaha horyaalka Yurub, waxaana ay ka sarre mareen deriskooda Waqooyiga London Tottenham kuwaasoo ku guuldareystay inay UCL soo xaadiraan.
Dhanka kooxaha Ingariiska xaqiijisatay booskooda Europa League, kooxda Wigan Athletic oo hanatay koobka FA Cup islamarkaana u laabatay horyaalka heerka labaad ayaa si toos ah u xaadiri doonta koobka.
Kooxda qaaday Capital One Cup ee Swansea City iyo Tottenham oo ku dhameystay kaalinta 5aad ee horyaalka ayaana ka qeybgeli doona wareega isreebreebyada Europa League xilli ciyaareedka soo socda.
Seddexda kooxood ee xilli ciyaareedkan ka hartay horyaalka Ingariiska waa Wigan Athletic, Reading iyo Queens Park Rangers.
Waxaa bedeli doona Cardiff City oo soo qaaday horyaalka heerka labaad, Hull City iyo kooxda seddexaad oo ka soo bixi doonta tartan play-off oo la qaban doono.
Premier League waxa ay xilli ciyaareedkan ay sidoo kale macsalaameysay ciyaaryahano caan ah, daafacii Liverpool Jamie Carragher, ciyaaryahankii hore ee Liverpool haatana u ciyaarayay Stoke City Michael Owen ayaa ku biiray Paul Scholes iyo tababare Sir Alex Ferguson oo ka farsiitay ciyaaraha.
Dhanka kalena tababarayaal ayaa shaqadooda waayi doona, iyadoo Rafa Benitez ay u dhamaatay waqtigiisa lixda bilood ee Chelsea, halka tababarihii Everton David Moyes uu u wareegi doona Manchester United wixii ka bilowda 1da bisha July.
Champions: Manchester United
Champions League: Man United, Man City, Chelsea & Arsenal
Europa League: Wigan Athletic, Tottenham, Swansea City
Heerka Labaad Waxaa U Dhacay: Wigan, Reading QPR

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada