War Deg Deg Ah:Kismaayo oo Maanta lagu arkayo Ciidamo cusub oo wata Darees gaar ah aan horey loogu arki jirin Magaalada

War Deg Deg Ah:Kismaayo oo Maanta lagu arkayo Ciidamo cusub oo wata Darees gaar ah aan horey loogu arki jirin Magaalada

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in gudaha Magaallada lagu arkaayo Ciiddamo aan horay loogu arkin Magaalladaasi kuwaasoo ku labisan Darees nooc Cusub ay ku qoron yihiin (Jubaland).


Dareeska Ciiddamadda oo ah nooc cusub oo aan xiliyadii hore lagu arki jirin Ciiddamadda ayaa waxaa dhabarka dambe ugu qoran magaca Jubaland, dharkaasoo loo qeybiyay Ciiddamadda Taabacsan Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ah Madaxweynayaasha Jubaland State.

Sidoo kale, waddooyinka waa weeyn ee Magaallada ayaa waxaa lagu arkaayay Ciiddamo Booliis ah, kuwaasoo taagan wadooyinka, waxa ayna ku wada labisnaayeen Darees hal madab leh oo dhabarka dambe ugu qoran magaca Jubaland.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciiddamadan ay xaqiijinayaan amaanka magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo is diidan, kuwaasoo kala ah kuwa Dowladda Somalia, Ciidamo daacad u ah Barre Hiiraale iyo kuwa Raaskambooni uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Ciidamadan loogu labisay labiska cusub ayaa waxaa lagu soo waramaaya inay ka amar qaadanayaan Sheikh Maxamed Islaam Madoobe oo sheegay inuu yahay madaxweynaha Jubaland State, waxaana ciidamada ay wataan qoryo uu noocooda u badan yahay Aakaha sida ee Goob joogayaal ku warameen.

Ciidamada kala raacsan siyaasadaha isdiidan ee Magaalada Kismaayo kajira ayaa kala jooga Xaafado kala duwan Magaalada Kismaayo kuwaa oo siyaabo kala duwan u taageeraya Kooxo Magaalada kusugan .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada