UN-ka oo Xadiday Hawlahoodii Puntland kadib Fadeexadii kusoo Baxday Wiilka Madaxweyne C/Raxmaan Faroole

UN-ka oo Xadiday Hawlahoodii Puntland kadib Fadeexadii kusoo Baxday Wiilka Madaxweyne C/Raxmaan Faroole

daajis.com:-Qaramada Midoobay ayaa ka jawaabay falkii ay ciidamada Booliiska iyo saraakiisha Danbi barista CID ku galeen Xarunta Qaramada Midoobay ee caasimada Puntland ee Garowe.

Qaar kamid ah Warbaahinta ayey soo gaartay Qoraalkii Qaramada Midoobay usoo direen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo lagu sheegay in la xadiday mashaariicdii Qaramada Midoobay ay ka waday Puntland.

Qoraalka ku socda Madaxweynaha Puntland ayey Qaramada Midoobay ku cambaareeyeen falkii ay ku kaceen ciidamada Booliiska Garowe iyo Hay’ada danbi barista CID oo si sharci daro ah ku galay xarunta UN-ka ee Garowe.

Qoraalka UN-ka oo ay heleen Qaar kamid ah Warbaahinta ayaa waxaa soo gaarsiiyay xubno kamid ah Xafiiska Madaxtooyada waxaana lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay xadidi doonto hawlaheedii Puntland, illaa dib loo eegayo heshiiskii wada shaqeynta ee ka dhaxeeyey Puntland iyo UN-ka.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in la joojiyey balaarintii xafiisyada UNta ee Garowe, iyo waliba iyadoo la xadidayo hawlihii Qaramada Midoobay ay ka waday Puntland, marka laga reebo mashaariicdii dhameystirka ku socday kahor bisha June.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in Qaramada Midoobay ay soo jeedinayaan in la qabto shir dhamaadka bisha June, kulankaasi oo shaqaalaha dowlada Puntland lagu bari doono xuquuqda iyo xushmada (Privileges & Immunities) ay leeyihiin xafiisyada Qaramada Midoobay Caalamka oo dhan.

Dowlada Puntland ayaa loogu baaqay inaysan garab marin heshiiskii wadashaqeynta oo ay horey u wada saxiixdeen Puntland iyo Qaramada Midoobay sanadkii 2007.

Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa daba socda kadib markii Wiilka uu Madaxweynaha dhalay Maxamed Faroole amar kusiiyey ciidamada Booliiska iyo Danbi Baarista Puntland inay gudaha u galaan xarunta Qaramada Midoobay isla markaana dalka ka tarxiilaan Labo shaqaale oo ka tirsan shirkada MECHEM oo qaramada Midoobay u qaabilsanaa dhanka cunto karinta iyo raashinka lasiiyo Shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan Qandaraaskii ka qaaday makhaayad uu leeyahay Wiilka Madaxweynaha Puntland ahna la taliyihiisa, Makhaayadaasi oo lagu magacaabo Rugsan Square.

Fadeexadii Maqaayada Wiilka Faroole ee Rugsan Square 

Makhaayada Rugsan Square oo ah mid ay aad u adeegsadaan Wasaaradaha dowlada Puntland ayaa waxaa leh Wiilka Madaxweynaha Puntland. Dhawaan ayuu Maxamed Faroole olole u galay inuu lasoo wareego Qandaraaska cuntada iyo Raashinka looga gado hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Garowe.

Qandaraaskaasi ayaa waxaa horey u heystay Makhaayada Waamo Restuarant oo ku taal Garowe. Hase yeeshee Maxamed Faroole ayaa ku guuleystay in Qandaraaskaasi usoo wareejiyo dhinaca makhaayadiisa Rugsan Square. Qandaraaskan oo lagu qiyaasay $10.000 (toban kun oo dollar).

Dhawaan ayey Qaramada Midoobay joojisay Qandaraaskii ay siisay Makhaayada Rugsan Square kadib markii ay kasoo bixi waayeen shuruudihii lagu xiray cuntada iyo nadaafada.

Arrintan oo si weyn uga careysiisay Maxamed Faroole ayaa la rumeysan yahay inuu amar kusiiyey ciidamada Booliiska iyo hay’ada danbi barista oo si toos ah u hoostagta inay dalka ka tarxiilaan shirkadii Qaramada Midoobay ay ku wareejisay Qandaraaskii cuntada iyo naadafada.

Shirkadan oo lagu magacaabo MECHEM ayaa ah mid caalami ah oo Qandaraaska ku qaadata dhanka cuntada (Cetering)

2dii bishan May ayey ciidamada Booliiska xoog ku galeen xarunta Qaramada Midoobay ee Garowe, iyagoo doonaya inay soo xiraan oo ay tarxiilaan labo sarkaal oo ka socday shirkada MECHEM oo markaasi xarunta Qaramada Midoobay ku sugnaa.

Ciidamadan ayaa waxaa hor kacayey Taliyaha Booliiska ee Garowe Cabdiraxmaan Xaaji Bashiir (QaaQaan), kaasi oo diiday inuu hubka iska dhigo markii uu xarunta soo galay. Sida sharciga caalamiga ah ayaa ah in Booliiska ay hubkooda iska dhigaan xarumaha Qaramada Midoobay marka ay galayaan.

Waxaana sidoo kale jirin amar maxkamadeed oo ay hawlgalkan ku fuliyeen.

Ciidamada Khaaska ah ee Qaramada Midoobay illaaliya ayaa u sheegay saraakiishan inay hubka iska dhigaan, balse waxay hanjabaad kala kulmeen saraakiishan oo ku hanjabay inay xir xiri doonaan shaqaalaha meesha jooga hadii aan loo ogolaan inay gudaha hubkooda ulla galaan, waxayna jiireen illaalada Qaramada Midoobay.

Waxaa xusid mudan in xataa ciidamada Booliiska ee Magaalada New York loo ogoleyn inay hubka la galaan Xarunta Qaramada Midoobay oo ay sharuuc caalami ah ka yaalaan in hubka lala galo.

Taliyaha Booliiska Garowe ayaa codsaday in uu la kulmo Madaxa UN-ka ee Puntland oo halkaasi ku sugnaa, balse waxaa arrintaasi diiday madaxa UN-ka oo sheegay inuusan la kulmi doonin illaa ay hubka iska dhigaan.

Kadib dood dheer oo halkaasi ka dhacday ayaa markii danbe keentay in Qaramada Midoobay ay ka daadgureeyaan Garowe shaqaalihii ka socday shirkada MECHEM.

Xiritaankii Makhaayada Meeraysane 

Falkan ayaan ahayn kii kaliya ee la xariiray makhaayada Rugsan Square, ciidamada Booliiska waxay sidoo kale xoog ku xireen Makhaayad uu leeyahay Muwaadin reer Puntland ah oo lagu magacaabo Meeraysane oo kamid ah makhaayadaha ay shaqaalaha Soomaalida ee UN-ta iyo shacabka Garowe ka cunteyn jireen, kadib markii la sheegay in Shaqaalaha Soomaalida ay diideen inay shaaha ka cabaan Rugsan Square oo ku taal kasoo horjeedka xarunta Qaramada Midoobay.

Fadeexadan ayaa keentay in xiriirkii Qaramada Midoobay iyo Puntland gaaro heer lagu xadido mashaariicdii laga fulin jiray Puntland, taasi oo salka ku heysa tilaabooyinkii ay qaadeen ciidamada Booliiska ee la rumeysan yahay inay amarka ka heleen wiilka Madaxweynaha. Waxaa sidoo kale jira arrimo kale oo is biirsaday oo laga tabanayey dhinaca mas’uuliyiinta dowlada Puntland.

Shacabka Garowe ayaa sidoo kale si weyn isu weydiinaya sababta makhaayadaha Soomaalida ay leeyihiin ee Waamo iyo Meeraysane dagaalka ugu qaaday wiilka Madaxweynaha isagoo hunguriyeenaya Qandaraaska UN-ka oo hada lasiiyey shirkada MECHEM oo ah mid caalami ah.

Shirkada MECHEM ee cuntada ayaa sheegtay inay shaqaalaysiisay 8 qof oo reer Garowe ah oo cuntada u kariya Qaramada Midoobay iyo labo Chef (Cunto-Kariyayaal ah) oo kasoo jeeda Koonfur Afrika oo qaabilsanaa tababarkooda iyo dhanka maamulka, labadaasi muwaadin ee reer Koonfur Afrika ayaa Garowe si deg deg ah looga saaray 3dii bishii May maalin kadib markii ciidamada Boliiska galeen xarunta UN-ta.

Qaramada Midoobay ayaa hada codsaneysa in Puntland ay xaq dhowrto heshiiskii wadashaqeynta ee la saxiixay 2007, xiligaasi oo xukumadii Cadde Musse ay Qaramada Midoobay heshiiska kula gashay dhinaca iskaashiga iyo wadashaqeynta amniga iyo tixgelinta xarumaha Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin gudaha Puntland.

W/D Cabdirisaaq Maxamed_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada