Idaacada afka Dowlada Soomaaliya ku hadasha oo baahisay in Mowshinkii ka dhanka ahaa Xukuumada uu fashilmay.

Idaacada afka Dowlada Soomaaliya ku hadasha oo baahisay in Mowshinkii ka dhanka ahaa Xukuumada uu fashilmay.

daajis.com:-Sida lagu qoray war-sidaha Radio Muqdisho waxaa kala tegay oo mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumada ka laabtay xildhibaanadii dhawaan soo gudbiyay mowshinka ka dhanka ahaa xukuumada R/wasaare Saacid, kadib markii ay garaawsadeen in xilligaan aysan munaasib aheyn arintaasi. 


Halkaan ka aqri warka lagu qoray website-ka Radiomuqdisho

Kulan looga soo horjeedo mushinkii laga keenay xukuumadda oo ay Muqdisho ku yesheen mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka.

Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga soo horjeeday mushinkii laga keenay xukuumadda oo ay soo qaban qabiyeen Mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay ku dhawaad 130 mudane.

Guddoomiyaha gudiga Xuquuqul Insaanka Baarlamanka Soomaaliya xildhibaanada Qadiija Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay kulanka tageerada ah ayaa sheegtay in waqtiga la joogo ay munaasab aheen in mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka ay mushin ka kenaan xukuumadda madaama ay gaartay hormar balaaran.

Sidoo kale xildhibaan Cabdi Xaanshi C/llaahi ayaa tilmaamay in qilaaf meel lagu gareen isagoona intaasi ku daray in R/wasaaraha xukuumadda hada ka hor baarlamanka uu u yeeray uuna hor yimid dabadeedna uu ka tagay iyaga oo qanacsan kadib markii ay weydiyeen dhowr su’aal.

Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay mudane ka tirsan baarlamanka oo ka mid ahaa xildhibanadii Mushinka ka keenay xukuumadda waxa uuna xusay in ay garwaaqsadeen in dib ay ula labtaan mushinkooda kadib markii ay cabasho uga timid shacabka Soomaaliyeed ee mas’uulka ka yihiin.

Dhawaan ayey aheyd markii mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay mushin ka keneen xukuumadda Soomaaliya kaas oo ay ku doonayeen in codka kalsoonida ah lagala laabto Xukuumadda.

Xigasho: Radio Muqdisho
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada