Daawo sawirada Shabaab oo la dagaalaya biyaha wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano badan.

Daawo sawirada Shabaab oo la dagaalaya biyaha wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano badan.

daajis.com:-Kadib fatahaad uu wabiga Shabeelle ka sameeyay degmada Kuntun-waarey ee gobalka Sh/hoose ayaa kooxda Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka waxa ay sameeyeen dadaallo ay biyaha uga xirayaan deegaanada qaar.

Gudoomiyaha Shabaabka ugu magacaaban Sh/hoose, Sheekh Maxamad Abuu Cabdallaah ayaa sheegay in wabigu dhowr meel ka fatahay ayna ku guuleesteen in ay biyaha xireen u sameeyaan.

Abuu Cabdalla ayaa waxa uu ku faanay in ay ku guuleesten dadaalkoodii dhawaanna ay soo af-merayaan howlaha ay kula hardamayaan qatarta Ka imaan karta fatahaada wabiga oo sida caadiga ah xilli roobaad kasta soo burqada oo wax-yeella u geesta deegaanka, dadka iyo duunyada.

Dadka qaar ayaa waxa ay shegayaan in dadaalkaani uusan aheyn mid Shabaabku ugu daneynayaan Shacab hasa yeeshee ay ka hor tegayaan dhibaato uu dagaalamaayashooda iyo waliba saraakiishoda u keeno maadaama ay ku suganyihiin deegaanada uu ku fatahayo aysannna heysan dhul balaaran oo ay uga baxsadaan.

Si kasta oo ay tahay arintaan ay Shabaabku ku dhaqaaqeen ee ah in ay biya xireenna u sameyeen qeybo kamid ah wabiga Shabeelle ayaa waxaa soo dahweeyay dadka ku nool deegaanka oo sheegay in asyan suuragal u aheyn in ay iyagu iska difaacaan biyaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com












Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada