Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Sudan (Daawo Sawirada)

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Sudan (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaj Fiqi oo Habeenimadii Xalay ahayd soo gaaray Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Sudan ayaa Maanta Barqanimadii la Kulmay Wasiirka Difaaca Dowladda Sudan Mudane C/raxmaan Xasan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Maanta ku Booqday Xafiiskiisa Dhigiisa Dalka Sudan ayaa waxa ay ka wada hadleen Arimo badan oo quseeya Labada Dal.

Wasiir C/xakiin Fiqi ayaa u mahadnaqay ugu horeentii Dowladda Sudan iyo Sida walaaltinimada leh ay u garab istaagan tahay Gaar ahaan Siyaasadeeda ay ugu Magac dartay (Taageerada Soomaaliya ee aan kala Go'a lahayn) iyo in ay ka Garab istaagtay Shacabka Soomaaliyeed dhowr Qaybood oo kala ah Dhanka Waxbarashada, Taageerada Dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada ku dhacday, Garab istaaga Xukuumad Kasta oo Soomaaliya matasha iyo Qodobo kale.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Sudan oo isagana Shir jaraa'id Xarunta Wasaarada Difaaca ee Sudan ku qabtay ayaa isagana sheegay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladda .

Waxa uuna sheegay Wasiirka Difaaca ee Dowladda Sudan C/raxmaan Xasan in Sudan ay Diyaar u tahay Sidii ay gacan uga siin lahayd Dhan walba oo Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ku Hormarayaan isagoo xusan in Si gaar ah ay Xooga u Sii Saari doonaan Dhanka Soo celinta Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa Kulamadaas goob joog ka ahaa Saraakiin Sar sare oo Wafdiga Dowladda federaalka ah la socda iyo Madaxda Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan oo hor Kacayo Safiirka Safaarada Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/laahi Ugaas iyo Xubno kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale Booqday Xarumaha ugu waa wayn ee Dowladda Sudan wax ku tababarto Ciidanka Milatariga iyo kuwa la halmaala.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada