John Kerry oo Booqanaya Ethiopia

John Kerry oo Booqanaya Ethiopia

daajis.com:-Ujeedada booqashadan ayaa la xidhiidha kulamo ku saabsan nabadgaliyada oo uu la yeelan doono qaar ka mid ah madaxda Afrika.

Kerry ayaa sidoo kale magaalada Addis Ababa uga qayb galaya dabaaldegga sannad guurada 50aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Ururka Midnimada Afrika oo xaruuntiisu tahay magaalada Addis.

Booqashada Kerry ayaa qaadanaysa saddex maalmood, waxaana uu ugu horayn la kulmi doonaa madaxda sare ee dalka Ethiopia, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal.

Sabtida ayuu xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa uu kala qayb qaaadan doonaa madaxda Afrika munaasabad loogu talagalay xuska sannad guuraada 50aad ee asaaska Ururka Midnimada Afrika.

Sidoo kale, Kerry ayaa lagu wadaa inuu yeelan doono kulamo ku saabsan sidii loola dagaalami lahaa ururada xagjirka ah eek a dagaalamaya Mali iyo Woqooyiga Nigeria.

Kerry ayaa dhawaan mar ay wada hadal yeesheen dhiggiisa dalka Nigeria waxa uu shaaca ka qaaday in dawladda Maraykanku ay mawqif adag ka joogto sidii loola dagaalami lahaa kooxda Boko Haram eek a dagaalanta Nigeria.

Dadka faaleeya siyaasadda Afrika ayaa sheegaya in John Kerry uu sidoo kale ka hadli doono doorka uu maraykanku ka qaadanayo taageerada ciidamada Faransiiska oo waqooyiga dalka Mali kula dagaalamaya kooxo xag jir ah.

Arrimaha kale ee lagu soo qaadayo booqshada Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah xiisadda ka dhalan karta xadka u dhexeeya Sudan iyo dalka dhawaan ka go’ay ee Suudaanta Koonfureed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada