Borussia Dortmund v Bayern Munich: Kooxaha Jarmalka Ku Xafiiltama Oo Caawa Ku Dagaalami Doona Wembley Stadium Finalka Champions League. Yaa Noqon Doona Boqorada Kooxaha Yurub?

Borussia Dortmund v Bayern Munich: Kooxaha Jarmalka Ku Xafiiltama Oo Caawa Ku Dagaalami Doona Wembley Stadium Finalka Champions League. Yaa Noqon Doona Boqorada Kooxaha Yurub?

daajis.com:-LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Borussia Dortmund: Weidenfeller; Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer; Gundogan, Bender; Kuba, Reus, Großkreutz; Lewandowski.

Bayern Munich: Neuer; Lahm, Buyten, Dante, Alaba; Martinez, Schweinsteiger; Robben, Muller, Ribery; Mandzukic.
Waxaa la hubaa caawa in koox Jarmal ah ay hanan doonta koobka Champions League, laakiin waxaan la hubin oo 90 daqiiqo ama 120 daqiiqo ka dib la ogaan doonaa inay tahay Borussia Dortmund ama Bayern Munich.
Labada kooxood ee Jarmalka ayaa ka soo talaabsaday wax walba oo hortooda la soo dhigay xilli ciyaareedkan Champions League, waxaana ay Wembley ku ciyaarayaan finalka koobka kooxaha horyaalada Yurub, iyadoo koox walba ay dooneyso inay noqoto boqorada Yurub.
Dortmund ayaa indhaha ku heysa inay hanato koobkeedii labaad ee Champions League, iyadoo finalkii kale ee ay abid gaartay koobkaan 1997dii ka qaaday kooxda Juventus.
Bayern Munich ayaa iyadana raadineysa koobkeedii 5aad ee Champions League, iyadoo finalka Champions League soo gaartay seddex jeer afar sanno gudaheed.

Kulanka: Borussia Dortmund v Bayern Munich
Garoonka: Wembley

Waqtiga: 9:45 pm SGA (Saacada Geeska Afrika)
Kubadsameeyaha Borussia Dortmudn Mario Gotze ayaa seegaya finalka Champions League ee uu ka horimaan lahaa kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda Bayern Munich sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Gotze oo 20 jir ah ayaan ciyaarin tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii lugta labaad ee semi-finalka ee ay bishii hore la ciyaareen Real Madrid.

Daafaca midig ee Dortmund ayaa Lukasz Piszczek ayaa isna ciyaari doona ka hor inta uusan marin qaliin sinta looga sameynayo, halka Robert Lewandowski oo 24 jir ah isna laga yaabo inuu kulankiisii ugu danbeysay u ciyaaro kooxda.

Bayern Munich ayaa heysata koox xoogan oo ay line-upkeeda ka soo xulato, iyadoo uu dhaawac muddo dheer kaga maqan yahay kaliya Holger Badstuber.
Daafaca dhexe ee Jarmalka ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaanayo 10 bilood kale ka dib markii jeex uu ka galay jilibkiisa midig markii labaad xilli ciyaareedkan.

24 jirkaan ayaa dhawaan ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu ka soo gabsaday dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray kulankjii ay Dortmund la ciyaareen December, laakiin haatan waxaa qaliin ku sameeyay dhaqtarka caanka ee Mareykanka Dr Richard Steadman ee Colorado.
MA OGTAHAY?
  • Borussia Dortmund ayaa koobka Champions League soo qaaday hal jeer, iyagoo 3-1 kaga badiyay Juventus 1997dii.
  • Kooxda Jurgen Klopp ayaa 5-2 ku garaacay Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore finalka koobka DFB-Pokal, iyadoo Robert Lewandowski uu dhaliyay seddexleey.
  • Daafaca Mats Hummels ayaa BVB kaga soo biiray Bayern 2009kii ka dib hal xilli ciyaareed uu amaah ku joogay Signal Iduna Park.
  • Ciyaaryahanka dhaawacan Mario Gotze ayaa durbaba ogolaaday heshiis uu kulankaan ka dib ugu biirayo Bayern Munich.
  • Bayern Munich ayaa raadineysa inay ku guuleystay koobkeedii 5aad ee Champions League, iyagoo doonaya inay barbareeyaan Liverpool kooxda seddexaad ee ugu guulaha badan taariikhda koobkaan, ka dib AC Milan iyo Real Madrid.
  • Kooxda Bayern ayaan wax guuldarro ah aysan ka soo gaarin dhamaan afartii kulan ee ay xilli ciyaareedkan la ciyaareen BVB, iyadoo barbaro 1-1 ah ay labo jeer ku kala baxeen Bundesliga, islamarkaana kooxda ay xafiiltamaan marna 2-1 iyo 1-0 ku garaacay koobabka Supercup iyo Pokal.

  • Kulanka kale ee Jarmal uu isagu soo baxay final Europe ah waa 1980kii Uefa Cup final markaasoo Eintracht Frankfurt ay garaacday Borussia Monchengladbach.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada