Ma Tahay Gabar is hubta sameey qodobadan iskuna day in aad meel gaban ka fahanto..

Ma Tahay Gabar is hubta sameey qodobadan iskuna day in aad meel gaban ka fahanto..

daajis.com:-Ilaahaybaa mahad leh daaim oon dhamaanin, Rasuulkiisana naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato.

Adeecida Illaahay [Subxaanahu watacaalaa] sir iyo sareba. Adeecida Rasuulka [Salallahu caleyhi wasalam] iyo in aad ahaato saalixad .

In aad u xiftido naftaada iyo maalkiisa markuu maqanyahay.

In uu kugu farxo markuu ku soo eego qurux darteed, waana arkin jismiyan iyo ruuxiyanba ah. Waa caqliyan markasta oo ay gabadhu sidaas samayso oo ay quruxbadantahay waxay u siyaadinaysaa ninkeeda jacayl iyo in uu wanaageeda ku sii xeel dheeraado.

In ayna kabixin gurigeeda ilaa idinkiisa mooyee.

Ninku wuxuu jecelyahay in ay gabadhiisu dhoola cadayso. Marwalba waxay usiyaadisaa farxad.


In ay gabadhu ku shukrido ninkeeda, maxaa yeelay waxay ku shukrinaysaa nicmada Illaahay ugu nimceeyay ninkeeda, kuna ilaaliyay nafteeda kuna arsaaqay sababtiisa awgeed ilmo, in ay u ahaato amaan iyo indho ku doogsi.

In ay doorato wakhti ku haboon iyo dariiqo ku haboon markay ka doonayso arin ay u baahantahay in uu wax ka ogaado, iyada oo udooraysa hadal wacan iyo asluub wacan.

In ay tahay gabadhu mid aad udabeecad wanaagsan.


In ayna kaga bixin guriga dhar qaaqaawan iyadoo xidhan.
In ayna codkeeda sare uqaadin markay morman in kasta uusan fiicnaayn muranku.


In ay tahay mid samir badan hadduu yahay faqiir, hadduu yahay taajirna shaakirad tahay.
In ay ku dadaasho in ay xadhiidhiso waalidkeed, qaraabada iyo saaxiibada.

In ay jeclaato khayr ku dadaashana fidinta khayrka.
In ay sheegto marwalba runta ay ka fogaato beenta.
In ay caruurteeda ku tarbiyayso jacaylka Illaahay [Subxaanahu watacaalaa] iyo maxabada Rasuulka [Salallaahu calayhi wasalam]. Waa in ay sidaas oo kale ku tarbiyadeyso ixtiraamka aabahood iyo in ay maqlaan, oo ayna ku saacidin arin zawjkeeda nacayo.


In ay ka fogaato cadhada.
In ayna yaraysan oyna ku dheeldheelin.


In ay dabdabacsantahay oo ayna ka fog tahay kibir, faan iyo khiyaali.
In ay laabto arageeda markay gurigeeda kabaxdo.


In ay ahaato mid adduunka ka saahida oo qaabisha aakhiro iyada oo rajeynaysa la kulanka Alle.
In ay tahay mid Illaahay talo saarata sir iyo korbacadho la aan iyo quusasho la aan.


In ay xiftido wixii Illaahay ku faralyeelay ee cibaado ah.

In ay ogaato in uu ninkeedu yahay sayidkeeda, Illaahayna wuxuu yidhi: Wa alfa yaa sayidataa ladalbaab
In ay ogtahay in uu xaqa ninkeedu ka waynyahay xaqeeda.

In ay tahay mid uu ka qoyanyahay waligeed carabkeeda dikriga Illaahay.

In ay ogolaato wax walba oo wanaagsan oo ninkeedu rabo in ay ku adeecdo.
Waa in ay noqoto mid waxay rabto waydiisata ee raali galinaya.


Waa in aysan noqon mid ku kaaftoonta dhalinyara nimada, cilmiga iyo quruxda, sababtoo ah waxaas oodhan way dhamaan.

In ay tahay mid is nadiifiya oo nadifisa gurigeeda, jidhkeeda iyo dharkeeda..



In ay adeecdo marku wax amro, waxa aan ka ahayn macasida Illaahay [Subxaanahu watacaalaa] iyo Rasuulkiisa [Salallaahu calayhi wasalam].
Markuu wax siiyo in ayna ku diidin.
In ayna soomin soon sunna ah isaga oo aan u idmin.


In ayna u ogolaanin guriga markuu maqanyahay nin aan maxramkaaga ahayn ( nin ku gaya) In ayna ninkeeda u sifeeynin qofkale oo ayna wax ka sheegin, sababtoo ah waa arin khatar ah oo aan u fiicney.

In ay ku sifooto xishood.

In aynan diidin ninkeeda markuu firaashka ugu yeedho.
In ayna ninkeeda waydiisan furitaan, sababtoo ah waa xaaraan.

In ay hormariso waxa uu doonayo ninkeedu iyo amarkiisa, oo ay xataa caruurta ka hormariso hadduu wax waydiisto.
In ayna iskaga dhigin dharkeeda guri ama xaafad kale.

In ay aad uga fogaato shabihida (isu ekeynta) nimanka.

In ay xasuusio ninkeeda ducada markuu ilaawo cindal-jimaaca ( ducada galmada).

In li dadkale iyo in ayna u sifeyn hablaha (gabdhaha) kale.

In ayna dhibin ninkeeda.
Way fiicantahay in ninku la ciyaaro xaaskiisa. Rasuulkeena [Salallaahu calayhi wasalam] wuxuu ku yidhi Jaabur [Radiyallaahu canhu]: Maxaad u heli wayday gabadh aad la ciyaarto, iyana kula ciyaarta.


Markii ay dhameystaan jimaaca (galmada) labbada is qabta (ninka iyo xaaskiisa), in ay ku wada maydhaan weel kaliya, iyaga oo gacmaha is dhaafsanaya, taasi waxay siyaadisaa jacaylka usrada. Waxay tidhi Caa isha [Radiyallaahu canhaa]: Aniga iyo Rasuulka [Salallaahu calayhi wasalam]hhe waxaan ku wada maydhan jirnay weel kaliya , oo aan iswaydaarsan jirnay gacmaha.

In aysan bixin maalkiisa ilaa idankiisa mooyee.


Markaad ku aragtid ninkaaga dabeecad aad necebtahay ugu sabir, xaqiiqdii waxaad ka heli doontaa mid aad raali ku tahay oo fiican oo wanaagsan, hadduu ku furana dhab ahaantii adaan ka heli doonin isaga qayrkii.
In ay xiftido cawradeeda ilaa ninkeeda mooyee.

In ay taqaano cuntada wuxuu rabo ee uu xiiseynayo iyo wixii uu rabo ee dheeraad ah.

In ay tahay gabadhu mid diin leh oo u taagan Illaahay [Subxaanahu watacaalaa], xifdido ninkeeda firaashkiisa iyo maalkiisa. In ay ku kaalmeyso daacada Illaahay [Subxaanahu watacaalaa] hadduu ilaawo xasuusiso, hadduu cadhoodana raali galisa.
In uu dareemo ninku in ay xaaskiisu jeceshahay. Markasta oo ay cunto iyo cabitaan iyo wax walba uu rabo ay u gayso waxay u siyaadisaa ninka jacayl iyo in uu usii dhawaado mar walba xaaskiisa.

In ay ka fogaato in ay xasuusiso gafkiisa. Waa in ay ku dadaashaa istirjacada iyo in ay xasuusiso quruxdeeda tay soo martay iyo waxa wanaagsan ee ay nafteedu ku haysato.
In ay u muujiso jaceylka iyo ixtiraamka soo dhawaynta ehelka ninkaaga oo aad dareensiisidna ninkaaga.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada