Yaya Toure : Is Casilaadda Alex Waxa Ay Awoodda Ingiriiska U Wareejineysaa Dhanka Man City.

Yaya Toure : Is Casilaadda Alex Waxa Ay Awoodda Ingiriiska U Wareejineysaa Dhanka Man City.

daajis.com:-Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Man City Yaya Toure ayaa ka digay in is casilaadda Sir Alex ee Man United ay suura gilineyso in uu is badelo miisaanka awoodda kubadda cagta Ingiriiska mustaqbalka .

” Man Unted waa koox weyn , Sir Alex-na waa shaqsiga ugu weyn United , waxa uu as-aasay United waxaana rajeyneynaa in awoodda horyaalka Ingiriiska ay u soo guurto dhanka kooxda Man City” ayuu yiri Yaya Toure .
Laacibkaan ayaa intaa sii raaciyay ” waxaan arkeynaa sanadka dambe loolan adag oo dhex maraya Chelsea , , Liverpool, Arsenal , United iyo Tottenham ,waxa uuna horyaalka noqonayaa mid aad u adag “.
Xiddigaan dhawaan hishiiska u kordhiyay City ee Toure ayaa waxa uu sii raaciyay ” xilli ciyaareedkaan United ayaan siinay horyaalka balse sanadka dambe City ayaa dooneysa , muhiimada waxa ay tahay in aan ahaano koox weyn”.
Yaya Toure ayaa carabka ku adkeeyay in sababta uu hishiiska cusub u saxiixay ee gaaraya 4-ta sano in ay tahay sidii qeyb uga ahaan lahaa taariikhda City ee uu ugu guuleysan lahaa abaal marino.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada