Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay

daajis.com:-Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii saaka waabarigii ay weerar ku qaadeen.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta oo ka dhaqaaqay duleedka Baydhabo ayaa qabsaday deegaanka Awdiinle oo qiyaastii magaalada Baydhabo u jira ilaa 30-KM.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex maray, inkastoo aan la sheegi karin qasaaraha ka dhashay.

Hase ahaatee sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in saaka ay la wareegeen deegaankaas, iyagoo wehliya ciidamada AMISOM.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo AMISOM, iyadoo deegaankan uu noqonayo kii u horeeyay ee AMISOM qabsadaan, tan iyo markii dhowaan ay gaareen magaalada Baydhabo.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa si buuxda u maamula deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool, waxaana ay qaadaan weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo AMISOM.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada