War Deg Deg Ah Ururka Al-Qaacida oo Xaqiijisay in la dilay Abuu Mansuur Al-Imriki oo Qilaaf kala dhaxeeyay Amiirka Shabaab

War Deg Deg Ah Ururka Al-Qaacida oo Xaqiijisay in la dilay Abuu Mansuur Al-Imriki oo Qilaaf kala dhaxeeyay Amiirka Shabaab

daajis.com:-Sida laga soo xigtay saraakiil ka agdhow ururka Al-Qaeda ayaa shaaciyay in qilaafaadka hareeyay xubnaha iyo hogaamiyaasha Xarakada Al-shabab ee Somalia ay sababtay in la dilo Abuu Mansuur Al-amriki kaasi oo ku jiray liiska shaqsiyaadka loogu doon doonista badan yahay xafiiska baaritaanada ee FBI-da Maraykanka.

Saraakiisha oo ay jariidada Dunya Al-watan ay soo xiganayso ayaa shegay in Omar Shafiiq oo gudaha Al-shabab loogu yaqaano Abu Mansur al-amriki lagu dilay shirqool weerar gaadmo ah oo ay ku qaaden dagalamayaal ka amar qaata amiirka Xarakada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ,weerarkasi oo ka dhacay goob u dhaw degaanka Raama Cadey oo dhacda konfurta Somalia kadib duhurnimadii maalintii Talaadada oo bisha ku asteysneyd
7-da bisha May.

Saraakisha Ururka Al-Qaeda ah aya sheegay in dagaal culus halkasi uu ka dhacay kadib markii la dilay Al-amriki uu na dhex maray dagalamayaal wata jinsiyada Maraykanka Yurub iyo Somalia iyo dagaalamayaal hoostaga Amiirka Xarakada Al-shabaab ee taabacsan Ururka Al-qaeda.


Saraakisha waxa ay tilmaamen in ay jireen dagaalkasi in tobaneeyo dagaalamayaal hoostaga amirka Al-shabab halkasi lagu dilay laguna dhawacay.

Horey ayaa jariidada waxa ay leedahay in dilka shaqsiyaadka Al-amriki iyo Osama oo kasoo jeeda Biriten iyo Qidaab Al-masri ay fatwa uga soo saaren in aysan bannaaneyn Ibramih Afgaan oo dadkii aas aasay Shabaabm kamid ah sidoo kale macalin Burhaan Sheeq Xaashi,Xasan Daahir Aweys iyo Xubno kale.

Saraakiishaasi Ururka Al-qaeda ah ayaa laga soo xiganaya in ay jiraan qilaaf u dhaxeya Mukhtaar Roobow, Abu Mansuur iyo hogaamiyaha Al-shabab Mukhtar Abu Zubayr.

Qilaafaadkaasi ayaa waxa ay saraakiisha ku micneeyen in la isku af garan la yahay si loo fasiraayo shareecada islaamka iyo dagaalka ka dhan ka ah dowlada Somalia.

Al amriki ayaa kal hore waxa uu warqad cabasho ah u diray hogaamiyaha Ururka Al-qaeda ugu sheegayo in hogaamiyaha Al-shabab uu ka xadgudbay siyaasada Xarakada iyo bur bur uu ku sameenayo dhaqdhaqaaqasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada