Madaxweyne Obamow Ka Deji Kabahaaga Miisaskii Boqorada Victoria (Daawo Sawiro Yaab badan Habdhaqanka Obama)

Madaxweyne Obamow Ka Deji Kabahaaga Miisaskii Boqorada Victoria (Daawo Sawiro Yaab badan Habdhaqanka Obama)

daajis.com:-Wargeyska Maalin laha ah ee Daily Mail oo ka soo baxda dalka Britain ayaa si kulul u dhaleecaysay hab dhaqanka, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama gaar ahaan qaabka uu u fadhiisto, waxaanu wargeysku soo daabacay tobanaan sawir oo madaxweynaha laga qaaday wakhtiyo kala duwan, kuwaas oo muujinaya isaga oo qaska u fadhiya, labadiisa lugoodna inta uu dhidhiibsaday miis dul dhigtay.

Daily Mail oo qoraalkeedan lagu tilmaamay fariintii ugu adkayd uguna kululayd ee warbaahinta loo mariyo, Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa xambaarsanayd eedayn iyo dirir ay jariiradu ku maagayso, qaabka uu u fadhiisto Madaxweeyne Obama.

Daily Mail ayaa ka waramay hab dhaqanka fadhi ee madaxweyne Obama gaar ahaan wakhtiyada uu fadhigan, ama qaabkan u fadhiisto, kuwaas oo ah xiliyada ugu daran ama ay jiraan shirarka iyo kulamada ugu xasaasisan.

Waxa jariiradu soo qaadatay xiliyo dhibaato ka taagnayd meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan Ciraaq, Libya Iyo Suuriya oo sawiro laga qaaday Obama oo inta uu dhabarka u fadhiistay, labada lugoodna is dul dhigtay miiska loo waramayo, ama isaga oo gudoominaya shir culus oo dhibaatadaha dhaqaalaha Maraykanka lagaga tashanayo, inta uu lugtiisa midig jilibka lugtiisa bidix saartay ruxaya.

Obama ayay jariiradu sheegtay inuu caadaystay u fadhiisiga qaska iyo dhidhiibsiga lugaha uu kabihiisa dul dhiganayo miisaska, sidoo kale waxa ay ka hadashay Obama oo caadaystay inuu gacantiisa bidis sida barkinta oo kale u saaro qadaadkiisa.

Daily Mail oo sheegtay in sawirada laga baahiyay Madaxwayne Obama intooda badan ay ka soo xigatay jariirada, (Feint Fair), ayaa tilmaanta luuqada jidhka ee Obama ku sifaysay mid isla wayni iyo qab badan oo aan loo meel dayin ah laga dhadhasan karo.

Daily Mail ayaa si adag uga hadashay in madaxweynaha Maraykanku aanu Xafiisyada kale ee Aqalka cad marka uu joogo samayn hab dhaqankan, balse marka uu joogo xafiiska lagu magacaabo, (Arose-Lout), oo dhamaan qalabka yaala yihiin, kuwii sanadkii 1880-kii Boqoradii Ingiriiska ee Queen Victoria hadyada u siisay, madaxweynihii wakhtigaas, Rutherford b. Hayes.

Waxaanay maqaalkeeda ku soo gaba gabaysay (Obamow Ka Deji Kabahaaga Miisaskii Boqorad Victoria), ciwaankaas oo noqonaya kii ugu adkaa uguna qalafsanaa ee wargeys ama mid ka mid ah warbaahinta Britain ku weerarto madaxweyne Maraykan tan iyo intii xidhiidhka labada dal uu wanaagsanaaday, Maraykankuna u gurmaday Ingiriiska dagaal waynihii labaad ee dunida.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

 






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada