Haweenka Somali-Canadian-ka oo la sheegay inay ku biirayaan Al-Shabaab iyo Digniin arintaasi laga soo saaray

Haweenka Somali-Canadian-ka oo la sheegay inay ku biirayaan Al-Shabaab iyo Digniin arintaasi laga soo saaray

daajis.com:-Madaxa Ururka Somalida Canada (The head of the Canadian Somali Congress), Axmed Xassan ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab qorsheyneyso inay Haweenka Somali-Canadian-ka hub u dhiibaan kana qeybgaliyaan Dagaaladda ay ugu yeeren Jihaadka.

Mas’uulkaas ayaa haddalka ka hor sheegay kulan wakiilo ka socda Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka, wuxuuna xusay inay Alshabaab bedeleen xeeladihii ay u qoran jireen Ragga dhalinyarada Somali-Canadian-ka.

Haddal qoraal ah oo uu diyaariyay Mas’uulkaasi ayaa waxa uu ku sheegay inay Alshabaab qortaan Haweenka Somali-Canadian-ka maadaama Hay’addaha Ammaanka Canada ay dabagal ku hayaan Dhalinyarada Soomaalida.

‘’waxan ka baqanayaa in Kooxda Alshabaab adeegsadaan Somalida heysata Dhalashadda Canadian-ka iyo kuwa reer galbeedka si ay weeraro uga fuliyaan dalalka ka baxsan Somalia’’ayuu yiri Axmed Xassan, oo ay Su’aalo weydiinayeen Xubno katirsan Guddiga Ammaanka gudaha Maraykanka.

Haddalka Mas’uulkaas ayaa kusoo beegmay iyadoo qaar kamid ah Somali-Canadian-ka ku biireen Kooxda Alshabaab, isla markaana ugu yaraan mid kamid ah Somali-Canadian isku qarxiyay Xarrunta Maxkamadda Gobalka Banaadir Bishii hore.

Boliska dalka Canada waxay Bishii March ee la soo dhaafay gacanta ku dhigeen nin Somali-Canadian ah oo lagu magacaabo Maxamed Xirsi oo 25-Jir ah, kaasi oo la qabtay xilli uu diyaarad ka raaci lahaa Magaaladda Toronto.

Boliska ayaa sheegay in ninkaasi uu kusii jeeday Magaaladda Qahira ee Dalka Masar, oo uu uga sii gudbi lahaa dalka Somalia si uu ugu biiro Alshabaab.

Eedeysanaha oo hadal horudhac baxshay ayaa sheegay in 4-Somali-Canadian oo labo kamid ah ay Haween yihiin ay u safreen Somali si ay ugu biiraan Kooxdaas.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa 85% waxay yihiin dhalinyaro da’dooda ka hooseysa 30-jir, kuwaasi oo badankooda ku guul dareestay waxbarashadda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada