Daawo Muuqaal ''Gudoomiye Tarsan oo hadal qosol iyo kaftan badan leh oo soo jiitay madaxdii ka qeybgalaysay Shirka St. Gallen ka Jeediyay!!

Daawo Muuqaal ''Gudoomiye Tarsan oo hadal qosol iyo kaftan badan leh oo soo jiitay madaxdii ka qeybgalaysay Shirka St. Gallen ka Jeediyay!!

daajis.com:-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la sheegay inuu ka jeediyey hadal qosol iyo kaftan badan leh oo soo jiitay madaxdii ka qeybgalaysay shirka St. Gallen Symposium eedalkaas Zwitserland 


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka qeybgalay dhawaantaan shirka loogu magacdaray St. Gallen Symposium oo lagu qabtey jaamacada magaalada St. Gallen ee dalkaas Zwitserland ayaa waxaa uu ka jeediyey goobtaas hadal qiimo leh oo uu ku jirey kaftan iyo qosol ay la daateen madaxdii ka qeyb gashay shirkaas, Gudoomiye Tarzan oo ka hadlaayey xaalada magaalada Muqdisho sida ay ahayd iyo sida ay hada ku sugan tahay ayaa waxaa ka mid ahaa hadladii kaftann ahaa ee ay sida aadka ah ugu qosleen dadkii dhageysnaayey mar uu ka hadlaayey sarifka doolarka oo uu ku sheegay inuu ahaan jirey boqolkii doolar 3 milyan iyo bar hadana uu yahay 1 milyan iyo bar iyadoona aysan jirin cid ama bank ama dowlada isku dayday inay ka shaqeyso arintaas asagoona kula kaftamay heyda lacagta IMF inay dad u soo dirsadaan magaalada Muqdisho oo ay ka faa'iideystaan sida ay wax u dhaceen arintaas oo ay dadkii dhageyanaayey qudbadiisa ay si aad iyo aad ah ugu riyaaeen. 

Ugu dambeyntiina iyadoo duqa magaalada Muqdishu Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu kulankaas kaga hadlaayey mowduuc loogu magac daray Courageous Citizenship ayuu waxaa uu ku dheeraaday xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaalada Muqdishu iyo sida uu hada xaalkeedu yahay, kulankaas oo ay goobjoog ahaayeen madax kala duwan oo ka kala timid dunida ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa madaxweynaha dalka Zwitserland Ueli Maurer, kulnakaan St. Gallen Symposium ayaa waxaa uu yahay mid ay sanad walba soo qaban qaabiso jaamacada University of St. Gallen ee dalkaas Switzerland kaas oo lagu casuumo madaxda dunid ee maanta iyo kuwa mustaqbalka islamarkaana ay isku dhaafsadaan waayo aragnimadooda. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada