Gareth Bale Oo Mar Kale Guul Muhim Ah Ku Hogaamiyay Tottenham Oo Soo Gashay Kaalinta 4aad.

Gareth Bale Oo Mar Kale Guul Muhim Ah Ku Hogaamiyay Tottenham Oo Soo Gashay Kaalinta 4aad.

daajis.com:-Gool qurux badan uu dhaliyay Gareth Bale dhamaadkii ciyaarta ayaa ka saaciday Tottenham inay 1-0 ku garaacdo kooxda Southampton oo marti ku aheyd White Hart Lane, waxaana ay sii nooleeyeen rajadooda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe.

Ciyaartii ka dhacday White Hart Lane ayaa aheyd mid xiiso badan oo labada kooxood ay isweydaarsadeen fursado qaali ah, Clyne ayaana bilowgii ciyaarta fursad fiican ka qasaariyay Southampton, ka hor inta ay Lambert kubad laad xor ah aysan birta ka beeninin isla qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Southampton ayaana qeybtii labaad fursado kale oo fiican sii abuurtay inkastoo Lloris iyo daafaca Spurs ay ka beeniyeen, halka Adebayor uu isna qeybtii labaad u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxda martida loo ahaa.

Laakiin ciyaarta oo u muuqatay inay ku socoto barbaro goolal la’aan ah, ayaa waxaa daqiiqadii 86aad ka fujiyay Tottenham xiddigooda xilli ciyaareedkan dhan soo waday Gareth Bale kaasoo gool gantaal ah ka dhaliyay afka hor eee diilinta ganaaxa.

Gareth Bale ayaana shabaqa ka soo taabtay kooxdiisa hore, inkastoo uu ciyaarta ka hor balanqaaday inuusan dabaaldegi doonin, hadana muhiimada uu goolkiisa u leeyahay kooxda ayaa keentay inuu dabaaldeg weyn sameeyo.



Waana goolkiisii 20aad ee xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyo Premier League, waxaana uu kula dabaaldegay kulankiisii 200aad ee uu u safto kooxda Tottenham.

Goolkaas qurux badan ee uu dhaliyay Bale ayaana u sahlay Spurs inay seddexda dhibcood ku qaadato White Hart Lane, waxanaa Tottenham ay kaalinta 4aad kala baxday Arsenal iyagoo leh 65 dhibcood waxaana ay ku dhibco yihiin Chelsea oo kaalinta 3aad ku jirta. Arsenal ayaa xilli dhow la ciyaari doonta QPR.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada