Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirad Fowziyo iyo Faysal Cali Waraabe oo kulan gaar ah yeeshay(Daawo Sawirada)

Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirad Fowziyo iyo Faysal Cali Waraabe oo kulan gaar ah yeeshay(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa ayaa xalay la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo markii ugu horeysay ay tahay Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji inay indhaha saarto ama ay la kulanto Siyaasiyiinta Somaliland

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee UK, waxayna dadku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya, taasi oo aan ahayn KMG, isla markaana dalalka caalamka ay billaabeen in ay ula macaamilaan si ka duwan siyaabihii loola macaamili jiray dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.

Waxaa munaasabadda kaddib xaflad casho sharaf ah isku arkay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe.

Klankooda oo ahaa mid cashada dhexdeeda ka dhashay oo aan horay loo sii qorsheynin ayaan si rasmi ah loo sheegi karin waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogen waxyaabihii ay kawada hadleen hadana tani waxay muujinee isku soo dhawaanshaha madaxda Somaliland iyo doowlada Soomaaliya.

Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday 1991-kii ineey ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa hadana sanadihii 

Ugu danbeeyay waxaa jiray dhowr shir oo ay isugu imaadeen madaxda doowlada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay ee kadhacay Stanbul ay kasoo baxeen qodobo ilaa dhowr ah oo kala saxiixdeen labada dhinac.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada