Daawo Sawirada ehelo ku hareereysan meyd fara badan oo ay ka baadi goobayaan dad ka maqan iyo qaar ooyin la dhacay marka aqoonsadeen dadkoodii.

Daawo Sawirada ehelo ku hareereysan meyd fara badan oo ay ka baadi goobayaan dad ka maqan iyo qaar ooyin la dhacay marka aqoonsadeen dadkoodii.

daajis.com:-Waxaa murugo aad u badan ay ka dhacdady dalka Bangladesh ee qaarada Asia kadib markii uu dumay dhisma aad u weyn oo ay ka howl gelayeen shaqaale aad u badan, kaas oo sababay dhimashada dad ka badan kun ruux.

Kadib dumitaanka dhismahaas oo ninkii lahaa xabsi lageeyay maadaama uu ka dhega adeygay digniina horay loo siiyay ayaa ciidamada qalabka sida ee dalkaasi oo u istaagay in ay bad baadiyaan dadka dhismuhu ku dumay ayaa waxa ay banaanka keeneen dad isugu jira kuwa nool iyo in badan oo dhimatay.

Dadka dhintay ee dhismaha hoostiisa laga soo daabulay ayaa waxaa leesugu keenay hool weyn si cid waliba ay u garato dadkii ka maqnaa arintaas oo keentay in guud aahan qoysaskii dadku uga jiren dhismaasi ay soo aadaan halka meydadka lasoo dhigay.

Dadka ayaa meyd kasta fiirinaya, waxaana qaarkood marka ay arkaan dadkoodii oo dhintay ay ooyin la dhacayaan murugo darted.

Shalay ayaa arintii ugu yaabka badneyd waxa ay ka dhacday dhismaha dumay kadib markii lasoo saaray gabar aad u da’ yar oo nool muda 17-maalin aheyd oo dhismahaasi uu dunsanaa.

Gabadhaasi markii la soo saaray waxaa aad u farxay ehelkeedii oo taagnaa goobta iyo dad badan oo ay layaab ku noqotay in dhismaha wali dad nool loogu tegayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada