Marabtaa in Qalbiga Xaaskaaga aad Soo Dhaweysato, Hadii ay Jawaabtaada Tahay haa Aqri Qormadan

Marabtaa in Qalbiga Xaaskaaga aad Soo Dhaweysato, Hadii ay Jawaabtaada Tahay haa Aqri Qormadan

daajis.com:-haweenka waxay la soo baxaan dabeecado ay ka wada siman yihiin marka ay wax jeclaadaan taasoo ogaansho la,aanta ragga u keeni karta in khilaaf dhexdooda uu ka dhex dhaco.

hadaba Ragow si aysan taas u dhicin bal si aad ah u dhuuxa dabeecadaha ay la soo baxaan dumarka marka ay wax jeclaadaan si aadan ugu canaanan qaladna aadan uga fahmin, ogow ma aha wax ay iyada iska yeelyeeleyso laakiin waa dabeecad la socota xaaladeeda.
dabeecadahaas waxaa ugu caansan labadan shey ee soo socda:

1.waxay la soo baxaysaa xishood xad dhaaf ah taasoo mararka qaar ku kallifta in ay kuu sheegan weyso si kasta oo ay jacayl kuugu qabto.

ragga marka ay dabeecadan ku arkaan gabadha ay is jecel yihiin ma jecleystaan waxayna rabaan in ay u sheegto sida ay u dareemeyso jacaylka ay u qabto si uu ugu kalsoonado, hadaba ogow taas waa dabeecadeeda hana kula dagaallamin.

2.waxay la soo baxaysaa shaki badan oo ay ka qabto jacaylkeeda taasoo xitaa hadii ay ogtahay in uu iyada daacad u yahay aysan aamineynin, ogow xumaan kama aha ee waxaa ku xambaaraya jacayl xad dhaaf ah oo ay kuu qabto.

ragga ma jecla dabeecadan oo waa ay dhibeysaa, waxayna u qaataan in gabadha ay jecel yihiin hadii ay ka maseyrto oo ay ka shakiso mid aan dooneyn sii socoshada jacaylkooda wuxuuna mararka qaar ku hamiyaa in uu xiriirka u jaro.

hadaba Ragow ogaada taas waa dabeecadda dumarka mana aha wax ay bedeli karaan ee waxaa la idinka baahan yahay hadey taas dhacdo in aad u sheegtaan in iyada keligeed aad jeceshahay oo si deggan wax uga dhaadhiciso.

mar ragga iyo dumarka siku dabeecad maaha oo wax dumarka caado u ah ayaa dhiabya raggana laakiin qaladka waa la sixi karaa hadii uu mida kan kale daeecadihiisa barto.

Rag badan maanta waxay ka cawdaan in gabadha ay is jecel yihiin aysan ku kalsooneyn mar walbana ay kula doodo in uu gabar kale la wadaajiyo , wey dhacdaa taas oo been ma aha laakiin dumara kama aha xaqiiqdii in ay lamaanahooda ku dhibaan laakiin kalgacayl ay u qabto ayay sidaa u tiraahdaa laakiin hadii aysan dumarku dan kaa lahayn kumaba tixgeliyaan.
maxay kaaga baahan tahay lamaanahaaga?

hadaba subax qura wiil yohow maku fakartay in aad meel fadhiisatay waxa ay kaaga baahan tahay gacalisadaada? waxaan filayaa badi jawaabta in ay tahay maya , in yar mooyaane.

hadii aad u xusul duubato tixgelinta gacalisadaada mar walbana aad u heellantahay u hagar bixideeda, waxaa hubaal ah in aad hananeyso qalbigeeda laakiin marnaba ha isku dayin in aad qalad u fahanto dabeecadeeda isku day in aad u dul qaadato oo mar walba oo aad dabeecadaas ku aragtana u qaado in ay ku jeceshahay kuna faraxsanow.

hadii aad wiil yohow mar walba ku dadaasho dejinta iyo farxad gelinta qalbiga gacalisadaada oo aad hubto keligeed daacad in aad u tahay isku day in aad dhameystirto waxyaaaha kaa dhiman.

adigoo aan qalad lahayn ayuu qaladku meel fudud kaaga imaan karaa, tusaale ahaan dumarku waxyaabo badan yay kuugu tijaabiyaan hadii aad ku guul darreysatana kalsoonida ayay kaala laabtaan, waxay mar walba jecel yihiin in aad adeegsato earayo qalbigeeda farxad gelinaya hadii aay kaa waayaanna waxay u qaataan in aadan tixgelin u heyn.

hadaba si aysan taasi u dhicin mar walba jeebkaaga haka buuxaan hadallada macaan ee marka aad kulantaan aad ku dhihi lahayd, waxaana wanaagsan in aad si aad ah uga soo shaqeyso oo aad u soo diyaarsato .
hadaba hadaad ragow dooneysaan in aad guul ka gaartaan jacaylkiinna wado fudud ayaad u mari kartaan ee ku dadaala daacad u noqoshada gacalisadiinna , dumarku wey iska beer jilcan yihiin marna hadii ay soo jeestaan ma jiro ruux ka beer adag laakiin adinka ayay idinku xiran tahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada