Mario Balotelli Oo Labo Gool Dhaliyay Xilli Milan Ay Xasuuqday Percara Siina Xajisatay Booska Kaalinta 3aad.

Mario Balotelli Oo Labo Gool Dhaliyay Xilli Milan Ay Xasuuqday Percara Siina Xajisatay Booska Kaalinta 3aad.

daajis.com:-Mario Balotelli ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Milan ay si weyn talaabo ugu qaaday kubada Champions League ka dib markii ay 4-0 ku garaaceen kooxda u dhacday horyaalka Serie B ee Pescara.

Weeraryahankii hore ee Manchester City ayaa haatan dhaliyay 11 gool 11 kulan uu saftay tan iyo markii uu tagay San Siro bishii Janaayo.
Waxa uu goolasha ku furay gool ku laad daqiiqadii sagaalaad ka dib markii Uros Cosic uu dhulka dhigay Antonio Nocerino xerada ganaaxa dhexdeeda ka hor inta uusan kubad sarre shabaqa ka gelinin daqiiqadii 57aad markii uu karoos ka helay Mathieu Flamini iyadoo Milan ay afar gool iyo seddex dhibcood ay qaadatay.
Sulley Muntari (33) iyo Flamini (51) ayaa labada gool kale u dhaliyay ciyaar hal dhinac aheyd oo ay AC Milan la ciyaartay kooxda u dhacday horyaalka Serie B ee Pescara.
Milan ayaa ku jirta kaalinta 3aad, waxaana ay u muuqdaan inay boos fiican ugu jiraan inay Champions League la aadaan kooxda horyaalka qaaday Juventus iyo kooxda kaalinta labaad xaqiijisatay ee Napoli.
Hadii Siena ay xilli dhow ka badiso Fiorentina, Milan ayaa si rasmi ah u xaqiijisan doonta booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada